Baarlamaanka Itoobiya Oo Xalliyay Murankii Ka Taagnaa Doorashada

Addis-Ababa  (Aftahannews)- Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay qaraar oggolaanayan in doorashada guud ee dib loo dhigay lagu qabto muddo hal sano gudaheed ah.

Sanadka cusub ee Itoobiya wuxuu billowday 11-kii September sidaas daraaddeed doorashada waxaa la qaban doonaa kahor September sanadka soo socda.

Baarlamaanka ayaa shalay meel mariyay qaraarka. Hal xildhibaan ayaa ka soo horjeestay qaraarka, siddeedna way ka aamuseen, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Itoobiya.

Itoobiya ayaa dib u dhingtay doorashooyinka sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

Gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Tigray ayaa qabsaday doorashooyinka, taas oo uu “wax kama jiraan” ku tilmaantay dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed.