Baarlamaanka Soomaaliya oo Aqlabiyad ku Ansixiyay Ra`iisul-wasaaraha Cusub

Maxamed Xuseen Rooble
Maxamed Xuseen Rooble

Muqdisho(Aftahannews)- Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra`iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo 17kii bishan Madaxweyne Farmaajo.

Dhammaan 215 Xildhibaan oo goobjoog ka ahaa kulanka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa gacanta u taagay oo haa ku ansixiyay Ra`iisal Wasaaraha cusub.

Ra`iisul-wasaaraha oo hadal kooban jeediyay,  ayaa uga mahad-celiyay baarlamaanka kalsoonida ay siiyeen. Wuxuu sheegay inuu xoogga saari doono arrimo uu ka kid yahay ammaanka.wuxuu sidoo kale baarlamaanka ka codsaday inay ansixiyaan xukuumadda uu soo dhisi doono, maaddaama uu wakhtigu yar yahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo saakay baarlamaanka horgeeyay ra`iisul wasaaraha si kalsooni uu ugu helo ayaa sidoo kale la filayaa inuu khudbad ka jeediyo kulanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Maxamed Xuseen Rooble magacaabay 18-kii bishan September.

Rooble ayaa la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

Aftahannews.com 

Muqdisho/Soomaaliya.