Ifka Maalin Bay Wada Yimaadeen Aroos Wadareedna Way Dhigteen

Afar hablood oo walaalo ah oo ku nool gobolka Kerala ee koonfurta India ayaa isla maalin qudha wada dhashay. Intay jireen oo dhanna guri bay ku wada noolaayeen, meel bay wax ku wada cunaan dhar isku eegna way gashadaan, xataa ilaa 15 jirkoodii iskuulkana meel bay wada fadhiisan jireen.Imika afartoodiiba waxay aqal gelayaan isla maalin qudha.

Afartaa mataanood ee walaalaha ahi waxay caan noqdeen isla maalintii ay dhasheen, warbaabinta gudaha dalkaasina kacaa kufkoodii way la socotay.Haatanna waa kuwan oo BBC-da ayay waayahooda uga waramayaan.

Afarta hablood ee walaalaa ah oo la kala yidhaa Uthra, Uthraja, Uthara, Uthama iyo walaalkood Uthrajan waxay shantooduba dhasheen 18 Noofember 1995 waxaanay haatan doonayaan in ay isla maalin qudha ay wada guursadaan sannadka dambe 26 Abriil.”Xaafadayada waxa laga hadal hayaa waa aroosyadayad. Weli maanu soo iibsan Saadhigii xariirta ahaa ee aanu xidhan lahayn maalintaa afartayada mid waliba aroosadda tahay. laakiin waxaanu soo iibsan doonnaa dhar isku wada eeg oo isku wada nashqad ah” ayay tidhi Uthara.Iyadu waa saxafiyad ninka ay guursan doontaana isna waa weriye.

Arooskoodu wuxu noqon doonaa mid dhaqan, waana sida badanaa gaobolkaa aroosyada loo dhigo. Halka qofku isagu ka uu doorto guursado dunida kale, xagooda dadka waaweyn ee qoyska ka tirsan ayaa door wayn ka ciyaara isku doorridda dadka is guursanaya. Waxaana haatan shaqadaa qabatay hooyadood Rema Devi oo hablaheeda rag ay iyadu u doortay u soo xushay iyada oo aadgsanaysa bog internet-ka ah oo geyaanku iska doortaan.Guurka noocan ahi waa mid labada qof ee is guursanayaa ay isku dabaqad yihiin oo ay isku dhigmaan xaga dhaqaalaha iyo tacliintaba. Dadka xidigiya ayaa eega burjiga gabadha iyo wiilka ka dibna waxay ehelooda u sheegaan in ay isku haboon yihiin iyo in kale.Laakiin mahaa guur la isku qasbayo ee wiilka iyo gabadhu ba talo ayay ku leeyihiin qorshaha.

Maalintii loo soo geed fadhiistay waxay ahayd bishii Sebtember laakiin saddex ka mid ah ragga gabdha doonayaa way iman kari waayeen maadaama oo ay ka shaqeeyaan Bariga Dhexe.

Hablahan mataanah ah ee aan isku eekayni waxay haatan doonayaan in aroosyadoodu isku wada ekaadaan.Habluhu waxay tan iyo dhalashadoodii muteen waayo isku mid ah, walow aanu tartan nololeed ka dhaxaynin taasina tahay arinta qaabaysay qofnimadooda.

Uthraja tacliintay ku fiinaatay, Uthama-na waxay baratay muusigga oo waxay baratay sida loo tumo violin-ka (dhex yarta) halka walaalkood Uthrajan isna bartay darbuugadda.

Uthra waxay baratay nashqadaynta dharka. Uthraja iyo Uthama waxay noqdeen dhakhtarro suuxinta ku bartay.

Markay damceen inay guursadaan, Uthraja ayaa ahayd tii ugu horraysay ee say hesha sannadkii hore laakiin kuma ay degdegin go’aankaas”Hooyadayo ayaan jeclaatay in aanu isku maalin wada aqal galno, dabeetana waxaanu go’aansannay in aan isa sugno” ayay Uthraja BBC u sheegtay.

Qaban qaabada aroosku India waa qaali, qoysas badan ayaana mar qudha aroos u wada dhiga ubadkooda ama eheladaa is kaashata si kharashku aanu ugu badan.