Boqollaal Qof Oo Laga Helay Covid-19 Kaddib Gubashadii Xeradda Qaxootiga

Boqollaal muhaajiriin iyo qaxooti isugu jira oo ku sugan xerada cusub ee ku meel gaarka ah ee jasiiradda Lesbos, dalka Giriigga ayaa laga helay coronavirus, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

In ka badan 240 qof oo ka mid ahaa 7,000 oo qof oo baadhitaan lagu sameeyay kuna sugan xeradda Kara Tepe ayaa laga helay xanuunka.

Xeradan cusub ayaa la dhisay kaddib markii uu dab baabi`iyay xeradii buux dhaaftay ee Moria, horraantii bishan. In ka badan 12,000 oo qof ayuu dabku hoy la`aan dhigay.

Afar muhaajiriin oo ka soo jeeda Afghanistan ayaa lagu eedeeyay inay dab qabadsiiyeen xeradda siddeeddii September. Dowladda Giriigga ayaa sheegtay inay ka bannaan baxayeen tallaabooyinka bandowga loogu soo rogay xerada kaddib markii uu ka dillaacay coronavirus.

Tan iyo markii uu dabku qabsaday xerada Moria labo toddobaad kahor, ilaa 9,000 oo muhaajiriin iyo qaxooti isigu jira ayaa dib u dejin loogu sameeyay jasiiradda.

Dowladda Giriigga ayaa bilowday olole qaxootiga loogu dhiirrigelinayo inay u soo guuraan xerada cusub, balse badankood ayaa ka caga jiidaya waxayna doonayaan in dib u dejin loogu sameeyay Yurub, gaar ahaanna Jarmalka.