Somaliland Waxa Ay Tabaysaa Doorkii Ururrada Dhallinyarada!. Qallinkii Tudhaale

Ururrada dhallinyaradu waxa ay door weyn ka soo qaateen; dhismaha dawladnimada iyo ammaanka Somaliland. Waa halka ay ka soo baxeen dhallinyarada ugu firfircoon waqti xaadirkan Dalku, haddii ay noqoto dhanka siyaasadda ama arrimaha bulshada.

Muhiimadda urruradani u leeyihiin horumarka Dhallinyarada:

1: Waxa ay shaqo abuur u noqdaan dhallinyaro badan oo maskax badan, kuwaas oo si dadban looga faa’idaysto awooddooda jidhkeeda iyo maskaxeedba

2: Waxa ay dhallinyarada ka fogeysaa dhammaan balwadaha halista ah, maaddaama uu helayo qofkii dhallinyarta ahaa dad ka aqoon badan oo haga

3: Waxa uu dhallinyarada ka caawiya in uu ku dhasho dareen muwaadinimo, kaas oo u sahlaya in uu ilaashado Dalkiisa iyo Dadkiisa naftiisana u huro

4: Waxa ay soo saaran hoggaamiyeyaal, berri ummada hagi kara, kuwaas oo ku soo koray deegaan kala danbayn iyo nidaam ka jiro

5: Waxa ay kor u qaadan is dhexgalka Bulshada iyo kala faa’idaysiga dhallinyarada

6: Waxa ay xoojiyaan xidhiidhka u dhexeeya Dawladda iyo Shacabkeeda

7: Waxa ay buuxiyaan shaqooyin dawladda ku soo banaanaan lahaa, sida caawinta dadka masaakiinta ah iyo shaqooyinka iskaa wax u qabsada lagu qabto

8: Waxa ay isku dheellitiraan awoodda shacabka iyo dawladda, waxaana ka dhasha isla xisaabtan dhab ah

9: Waxa soo baxa jiil u carbisan in la hoggaamiyo oo nidaamsan

10: Waa goob qofka dhallinyarada ah u noqonaysa wehel iyo garab uu ku ilaawo caqabado shaqsi oo haysta.

11: Waxa ay urruradu sahlaan in Dhallinyaro badan ay ku dhiirradaan in ay soo bandhigan hibooyinkooda kala duwan

12: Waa akaademiyad soo saaraysa koox dhallinyaro ah oo ka siman mabda’a u adeegidda dhallinyaradooda

5-tii sanno ee u danbeeyey, waxa saaxadda ka baxay ururradii ugu tunka waynaa Magaalooyinka Somaliland, taas oo diciifisay awooddii dhallinyarada iyo hankii ay lahaayeen, nacayb badanna ku dhalisay markii ay camal la’aan noqdeen.

Waxa aan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland kula talinayaa, in ay dib boodhka uga jafto Urrurada dhallinyarada; Dalladda SONYO-na lala xisaabtamo, sababta oo ah waxa ay noqotay meel dayacday oo han jabisay ururro dhallinyaro oo fara badan.

Ururrada dhallinyaradu waa halka laga hago lagana jiheeyo dhallinyarada, haddii la dayacana waxa dayacmay awood iyo aqoon Qaranka laf-dhabar u ahaan lahayd!