Mucjiso: Messi & Vidal Oo Farriin Qiiro Leh Isu-Macasalaameeyey

Arturo Vidal ayaa shalay u safray waddanka Talyaaniga oo uu kaga biirayo kooxda Inter Milan kaddib muddo laba sannadood ahayd oo uu u ciyaaray Barcelona.

Vidal oo ka mid ah ciyaartoyda ugu koobabka badan dunida, ayaa waxa uu qolka labbiska Barcelona la wadaagay Lionel Messi, Suarez, Coutinho iyo laacibiin kale oo waaweyn, iyadoo uu sidoo kalena naadiyada Bayern Munich iyo Juventus kusoo qaatay waqti wada guulo ahaa oo uu horyaallada Bundesliga iyo Serie A si cidhiidh ah ula qaadayay.

Lionel Messi ayaa farriin qiiro leh ku macasalaameeyey Vidal, waxaanu sheegay in hore ay u ahaayeen kuwo garoonka dhexdeeda ku loollama laakiin labadii sannadood ee ay Camp Nou wada joogeen uu wax badan ka bartay naftiisa, haddana laga tebi doono qolka lebbiska.Sidaa oo kale, Luis Suarez ayaa tilmaamay inuu ka baxay saaxiib wanaagsan oo uu ku lahaa qolka lebbiska Barcelona.

Messi ayaa farriinta macasalaamaynta oo uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Instagram waxa uu ku yidhi: “Kaliya waxaan kugu aqaanay marka aynu iska hor nimaadno oo aad mar walba u muuqanaysay mid heersarreeya, laakiin dib ayaan ka yeeshay nasiib igu filan oo aan si shaqsiyan ah kuugu barto, in badan ayaanad iga yaabisay.

“Waxay ahaayeen laba sannadood oo aynu wadaagnay wax badan, naftaadana aad wax badan naga bartay. Qolka lebbisku wuu ku tebi doonaa Arturo.“Waxa aan kuu rajaynayaa wanaag waagaaga cusub iyo kooxdaada cusub. Waxaan hubaa inaynu mar kale kulmi doono.”

Luis Suarez ayaa isaguna farriin sagootin ah u qoray Arturo Vidal, waxaanu yidhi: “Inaan kaa dhigto ciyaartoy iga soo horjeeda waa mid aan loo dulqaadan karin, maxaa yeelay sida aad ciyaartoy wanaagsan u tahay, laakiin inaynu isku koox noqonay, saaxiibo noqonay, shaqsiyanna aan kuu bartay, ayaa wax walba kasii fiican.“Waxaan ku faraxsanahay inaan khibrad la wadaagay ciyaartoy xiddig sare  ah sidaada oo kale. Wanaag oo dhan ayaan kuugu rajaynayaa marxaladdaada cusub. Waynu kulmi doonaa…”Vidal ayaa labadii sannadood ee uu Barcelona joogay, waxa uu kula guuleystay horyaalka LaLiga iyo Supercopa de Espana.