Man.United  Oo La Xasuuqay Iyo Arsenal Oo Guulaheeddii Sii Wadata

Manchester United ayaa guul-darro ku bilaabatay horyaalka Premier League ee xilkii ciyaareedka 2020-21, waxaana garoonka Old Trafford dhex jiid-jiidday Crystal Palace oo ku garaacday 3-1.

Wilfried Zaha ayaa adhaxda ka jabiyey difaaca Manchester United, waxaanu ku garaacay farsamo kasta iyo loollankii xirfadda iyo maskaxeeda ee garoonka gudihiisa, isaga oo ka dhaliyey laba gool oo mid rikoodhe ahaa.

Gool uu daqiiqaddii 7aad gool-dhalinta ciyaarta ku furay Andros Townsend ayaa Manchester United u horseeday qalalaasaha ay gashay, waxaana rikoodhe muran ku jiray ugu daray Zaha qaybtii labaad ka hor intii aanu Donny van de Beek gool aan waxba tarin u dhalin United.

Zaha ayaa ciyaarta kusoo afjaray gool uu meel iskaga xidhay difaaca United gaar ahaan Lindelof iyo Maguire oo intii aanu gaadhin uu kubadda ku darbeeyey dhinaca goolka uu waardiyaha ka ahaa David de Gea oo isaguna is dhaqaajin kari waayey.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 ay Manchester United garoonkeeda Old Trafford kaga baxday iyadoo madaxa ay foorarinayaan ciyaartoydu, halka Crystal Palace ay farxad iyo dhoola-caddayn ku damaashaadeen.

Wilfied Zaha oo laba gool dhaliyey, laf dhuun-gashayna ku ahaa difaaca Manchester United oo uu nafiska u diiray ayaa noqday xiddigii garoonka, waxaanu qiimaynta ciyaarta ka helay darajada 9 oo aanay jirin cid kale oo garoonka ku jirtay oo gaadhay heerkaas.

Ciyaartoyda Crystal Palace ayaa dhamaantood ay qiimayntoodu fiicnayd, waxaanay heleen darajooyinka 7 iyo 8 marka laga reebo Zaha oo 9 ka helay qiimaynta kulanka, waxaana intaa dheer in tababare Hodgson uu kaliya laba beddel sameeyey intii ay ciyaartu socotay.

Dhinaca Manchester United, waxa fadeexaddii ugu weynayd usoo hoyatay James oo waqtigii nasashada la saaray oo ahaa midka ugu liita dhamaan ciyaartoyda labada kooxood, isla markaana helay darajada 4, laakiin ciyaartoyda kale ayaan iyaguna dhamaamin waxaana min 5 ka helay qiimaynta kulanka toddoba ciyaartoy oo kale oo uu midkood beddel kusoo galay.

Goolhaye David de Gea, fOSU-Mensah, McTominay iyo Bruno Fernandez oo lagu daray Van de Beek oo beddel kusoo galay ayaa loogu qaatay ciyaartoyda Manchester United waxaanay heleen min 6 darajada qiimaynta kulanka.

Dhinaca kale, Arsenal ayaa guushii labaad oo xidhiidh ah ka gaadhay horyaalka Premier League, waxaanay 2-1 ku garaacday West Ham United oo xili ciyaareedku ugu bilowday guul-darrooyin isku xiga.