Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Shir Guddiga Wanaag-farista u socday soo gebogabeeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa xalay soo gebogabeeyey Shirweynaha Guddiga Wanaag-farista iyo xumaan-reebista Somaliland oo muddo laba cisho ah ka socday Hargeysa.

Gunaanadka Shirkaas oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Diinta ee Hargeysa, ka sokow Wasiirka waxaa ka qaybgalay Culimo isaga kala yimi gobollada dalka iyo Culimada Guddiga Wanaag-farista, mudan iyo marti-sharaf kale.

Haddaba, Hadallada Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo Hoggaanka Guddigu ka jeediyeen dhammaadka shirkaas xalay, waxaannu warkooda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.