Caqabadaha Ku Geddaaman Ra’iisalwasaaraha Cusub Ee Madaxweyne Farmaajo Magacaabay

Muqdisho (Aftahannews)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxa uu ra’iisul wasaare u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed, oo 57 sanno jir ah, ayuu Farmaajo sheegay inuu ku soo xushay “Aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaranka”.

Maxamed Xuseen Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah.

Maxaa ka mid ah caqabadaha horyaalla.

Magacaabidda rai’sul wasaaraha cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jira kala guur siyaasadeed.Waxaa uu dalka ku jira xilli lagu wado in dalka Soomaaliya ay doorasho dadban ka dhacdo.Waxaa shalay lagu heshiiyay qaabka loo marayo doorashada 2020 iyo 2021-ka.Hadaba waxaa rai’sul wasaaraha cusub horyaala caqabada badan oo ay tahay in uu ka gudbo.Rashiid Cabdullaahi Maxamed oo horey u ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa rumaysan in ra’isul wasaaraha waxyaabaha ugu horeeya ee ay tahay in u fuliyo ay ka mid tahay dhaqangalinta heshiiskii maamul goboleedyada iyo dowladda fedaraalka.”Waxaa laga rabaa in uu fuliyo howla uu isaga hadda gadaal ka gaaray ayna ugu horeeyso heshiiskii hadda ugu dambeeyay ee salka ku haya doorashooyinka soo socda,” ayuu yidhi Mr Rashiid.

Waxaa intaa ku daray in rai’sul wasaaraha cusub sidoo kale looga fadhiyo in uu isu keeno dhinacyada ku kala irdhoobay siyaadda oo uu isku dayo in uu mideeyo“Waxaa kale oo xiga in siyaasiyan dadka hadda kala irdhoobay oo siyaasadda isaga soo horjeeda inuu isu soo dhaweeyo gaar ahaan mucaaradka iyo dowladda in uu isu soo dhaweey,” ayuu yidhi Mr Rashiid.

Rai’sul wasaaraha la magacabay Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa sidoo kale ay dad badan ka filayaan in uu hanto kalsoonida shacabka iyo saamileeyda dhanka siyaasadda”Waa in uu gogol xaadh u sameeyo mustaqbalka dhaw arrimaha ku saabsan doorashooyiinka kalsooni na galiyo dadka kale ee banaanka taagan ee maanta daneynaya siyaasadda inay qeyb ka noqdaan markaa in uu howlahaasi oo dhan meelmariy,” ayuu yiri Rashiid Cabdullaahi Maxamed wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxa uu la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

Rooble waxa uu haystaa 143 maalmood, taas oo ku eg dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso – waa haddii la meel mariyee – xukuumad dalka ka qabata doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.