Beer Loo Dalxiis Tago Oo Haddii Aad Wax Ku Tuurto Boostada Laguu Soo Dhigayo Khashinkaaga

Haddii aad wax ku tuurto beertan oo ku taalla Thailand, waxaa laga yaabaa inaad adiga uun dhib isku soo jiiddo.Waxaa laga yaabaa in gurigaaga loo soo diro, si lagu xusuusiyo in marka aad meelaha dabiiciga ah tagto, ay wanaagsan tahay inaadan khashin ku tuurin.

Maamulka beertaas Khao Yai oo ku taalla meel u dhow Bangkok ayaa bilaabeysa inay khashinka u dirto dadkii ku tuuray beerta, sida uu sheegay wasiirka deegaanka Thailand.Dadka u hoggaansami waaya sharciga ee wax ku tuura beerta ayaa sidoo kale loogu yeeri doonaa booliiska.

Dadka beerta booqanaya ayaa laga doonayaa inay diwaan geliyaan cinwaankooda, si maamulka ay ugu fududaato inay khashinka u diraan haddii ay ku tuuraan.Wasiirka deegaanka Varawut Silpa-archa ayaa soo bandhigay sawirrada khashin la soo ururiyay oo u diyaarsan in loo diro dadkii ku tuuray beertaWaxaa lagu dul qoray “Waxaad waxyaabahan ku illowday beerta Khao Yai National Park”Maamulka beerta ayaa sheegay in khashinka looga tago beerta ay halis ku yihiin xayawaannada.

Beerta Khao Yai oo waqooyi-bari kaga began caasimadda Thailand ee Bangkok waxay ku fadhisaa dhul cabirkiisu yahay 2,000 km oo isku wareeg ah (770 sq miles).