Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Qorsheyaasha Horumarineed Ee Ay Dalka Ka Hirgeliyeen

Filed under: Wararka |

Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa, (Aftahannews)-Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo,ayaa ka hadlay qorsheyaasha horumarineed ee ay dalka ka hir geliyeen iyo siyaabaha ay maalgelinta ugu sameeyaan laamaha dawladda.

Waxaa kale oo uu ka hadlay Baanka dhexe siduu awoodda u saaray in qiimaha isku bedelka lacagaha ee sarrifka in uu gacanta ku qabto oo uu hoggaamiyo isla markaana uu u illaaliyo sarrifleyaasha in ay ku sarrifaan qiimaha isku bedelka lacagaha ee uu Baanka dhexe sida maalnlaha ah uu usoo saaro.

Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland waxaa kale oo uu k hadlay siday xukuumadda ugu suura gashay in xilligii uu caalamku kala xidhmay ee lagu jiray xannuunka saf marka ah ee Covid 19 in aan mushaharka shaqaalaha dawaddu is dhimin.

Waxaanu sidaa ku sheegay Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn Agaasimaha oo ka hadlayay siday ugu suura gashay in shaqaalaha dawladda iyo ciidamada in ay mushaharaadka gaadhsiiyaan xilligii caalamka uu kala xidhay xannuunka saf marka ah ee Covid 19-ku,ayaa yidhi. “horta Coronavirus wuxu kala xidhay ahaan caalamka oo dhan dalal bandanna dhaqaalogoogu hoos ayuu u dhacay laakiin innaga(Somaliland) si sida dalalka qaar uu u saameeyay inoomuu saamayn marka laga hadlayo xidh xidhnaanta caalamku galay oo Somaliland suuqyada iyo ganacsiyada maynaan xidhin markaa dhanka ganacsigii dalka gudihiisa iinaguu saamayn,dhanka kale dawladda ayaa tallaabo aad muhiim u qaadday oo ahayd in ay xukuumaddu joojisay dhammaan qarashaadkii si loo helo gurmadka caafimaad ee loo baahan yahay iyo mushaharooyinka ,wasaaradda maaliyadda ayaa iyaduna dhankeed dedaal dheeraad ah gashay si looga hor tago hoos u dhac dhaqaale oo wayni in uu innagu yimaado markaa iskaadhi dawladda dhexe iyo Baanka Somaliland wada sameeyeen ayaa suura geliyay n aan shaqaalaha iyo ciidamu mushahar waayin iyo in gurmadka COVID 19-ka laga qayb qaato.

Lacagihii dadkeenna dibedda jooga ay soo diri jireen inaya waxyar ayaa is dhimay oo sidii aynu ka baqaynay may noqon,markaa sidaas ayaanu saamayn weyn oo dhaqaale aanu innoogu yeelan ”

Agaasimaha guud oo ka hadlayay qiimaha sarrifka iyo siday ugu illaaliyaan sarrifleyaashu in ay u hoggaansamaan qiimaha sarrifka lacagaha ee uu baanka dhexe ee Somaliland sida maalin laha ah usoo saaro,ayaa yidhi. “Maalin walba way dhacdaa in aanu ka joojino sarrifleyaal qiima aanu soo saarno mid ka duwan wax ku iibiya oo aanu ka hakino laakiin annag suuqa ma wada xukuno waxaan wax ka qaban karnaa annagu haddaanu baanka dhexe nahay waa sarrifleyaasha aanu ku aragno in ay qiime ka duwan qiimaha aanu sida maalinlaha ah u soo saarno ee qof kasta aanu moobilkiisa ku ogaysiino laakiin haddii qofku uu dukaan ama bakhaar wax ka iibsado oo uu qiimihii aanu soo saarnay mid ka duwan uu wax ugu qiimeeyo waa in uu na soo war geliyo ama uu horta marka hore la gor gortamo oo uu u sheego in uu qiimaha sarrifka ee baanka dhexe in kiisu waydaarsan yahay markaa haddii uu wax ka qaadan waayo waa in uu na soo war gelyo laakiin haddii qofba waxa uu dukaan u sheego uu iska bixiyo uun taasi waa in dadku sarif bararka ay qayb ka yihiin markaa dadkeenu waa dad wanaagsan oo ka xishooda waxay xaqa u leeyihiin in ay ka hadlaan markaa qiimaha baanka dhexe kuu soo diro ee sarrifka lacagaha ha ogolaan muwaadin in wax ka badan wax laguugu qiimeeyo.”ayuu yidhi Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland.

Agaasimaha oo ka hadlayay siduu baanka dhexe ee Somaliland uga qayb qaatay dhanka horumarka adeegyada bulshada iyo maalgelinta uu laamaha dawladda u sameeyo waxaa uu yidhi. “Horta wax waliba waxay ku xidhan yihiin waxa anynu haysano iyo awoodda aynu leenahay,awoodda baanka dhexe iyo awoodda dawladduba waa wax iska kooban hadana waxaanu ku talo galnay wixii mashaariic ah gaar ahaan degmooyinka dawladdu waxay siisaa kab,kabkaana sadexdii biloodba marbaa loo diraa markaa sadex biloodkiina waxay ku cawdeen in ay qarash uun ka noqdaan markaa sadex biloodka dawladdu siiso si uu mashaariic u noqdo taas ayuu baanka dhexe maal gelin ahaan ugu hirgeliyaa in uu sannad ama sannad iyo badh sii siiyo si ay mashaariic wax tarleh u noqdaan markaa waxaan ku nidhaahdaa soo mara wasaaradda maaliyadda,xiyaabiyaha guud,hantidhawraha guud iyo Baanka dhexe ayaa isla eega markaas ayaanu siinaa imika degmooyinka aanu siinay waxaa ka mid ah Saylac,Boorama,Sallaxlay,Balligubadle iyo qaar kaleba. Waanan ognahay in lacagtaasi ay tahay mid dawladdu leedahay oo aan lumayn oo soo noqonaysa isla markaana wixii mashaariic dhismeyaal iyo waxqabad daruuri ahna lagu qaban karo,laakiin mahsruucii ugi waynaa ee baanka dhex uu maal geliyay wuxuu ahaa kii Madbacadda qaranka markaa imika mid kaas oo kale ah ma bixin karno laakiin way iman doontaa insha ALLAAH in aanu awood u yeelano.”

Agaasimaha guud oo ka hadlayay baanka dhexe iyo adeegga ay dadweynuhu uga baahan yihiin dhanka ganacsiga,ayaa yidhi. “horta Baanka dhexe shaqadiisu waxay tahay in uu illaaliyo lacagta dalka iyo qiimeheeda iyo in uu maamulo suuqa sarrifka lacagaha kala duwan, waxaa kae oo uu baanku u xil saaran yahay kormeerka iyo ka war haynta dhammaan hay’addaha kala duwan ee lacagaha ku shaqeeya hadday xawaalado yihiin iyo hadday shirkadaha mobilka lacagaha la isugu diro ay yihiin ba laakiin maalgashiyada ganacsiga waxaa ka shaqeeya baananka ganacsiga imikana xukuumaddu ma laha baan ganacsi laakiin qorshe waa laga leeyahay waana la samayn karaa waana la iska dhaafi karaa laakiin imika.

Baananka kale oo wada shaqayn aanu leenahay ayaa ah baanaka ay ganacsatadu adeegsato kuwaas oo baanka dhexe ruqsadda siiyo isla markaana sharciyadooda uu ogyahay.”

You must be logged in to post a comment Login