Golaha Wasiirrada Somaliland Oo La Horkeenay Qorshaha Dhisida Guryaha Shaqaalaha

Hargeysa, (Aftahannews)-Fadhigii 64-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta la horkeenay qorshaha dhisida guryaha Shaqaalaha, laguna ansixiyey siyaasad cusub.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, ka dib wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guryeynta ayaa golaha u soo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha dawladda, isagoo wasiirku sharaxaad dheer ka bixiyey qaabka iyo nashqada ay noqon doonaan guryahaasi, wuxuuna xusay in wasaaraddu diyaarisay dhulkii laga dhisi lahaa guryaasi sidoo kale golaha ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha, hadaba iyadoo xukuumaddu ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u leeyahay qaranka xoojinaysana tayeynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka.

Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey siyaasada maamulka hantida raagta (Fixed Asset Policy) oo ay soo diyaarisay wasaaradda horumarinta maaliyada goluhuna shirkii hore kaga yeeshay dood.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.