Xukuumadda Itoobiya Oo Bedelaysa Lacagtii Ay Horre U Isticmaali Jirtay

Addis-Ababa (Aftahannews)-Itoobiya ayaa soo saareysa lacag cusub, tan oo Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ku sheegay in wax looga qabanayo howlaha sharci darrada ah iyo musuqmaasuqa.

Naqshadda cusub ee lacagaha 10, 50 iyo 100 Birr ayaa la sameeyay waxaana sidoo kale la soo saari doonaa baalweynta 200 oo cusub.

Mr Abiy ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo wadaagay lacagaha cusub. Wuxuu sheegay in la adkeeyay ammaanka si loola dagaallamo in la soo saaro kuwo kale oo been abuur ah: