Beeralayda Kenya Oo Farriin Adag U Diray Dawladda Soomaaliya

Nairobi (Aftahannews)-Beeraleyda qaadka ee dalkan Kenya ayaa sheegay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaadhay xayiraadda la saaray qaadkii ay u dhoofin jireen waddanka Soomaaliya.Qaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo ay u aheyd dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in haatan ay shaqo la’aan noqdeen.

Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa BBC-da u sheegay in maalin walba ay khasaaraan lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama aanay jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya gayn jireen.

“Markii dowladda Soomaaliya ay qaaday xayiraaddii saarneyd badeecadaha la geeyo gudaha waddanka waxay ka reebtay jaadka, maalin walba waxaan Soomaaliya geyn jirnay 50 tan oo jaad ah taas oo u dhiganta 150 kun doolar maalintiiba , qaar badan oo kamid ah beeraleyda jaadka khasaare badan ayaa kasoo gaartay arrintaas,maxaa yeelay dakhliga kaliya ee aanu helno waa kan jaadka, annagu haddii aanu nahay beeraleyda jaadka iyo ganacsatada Soomaalida wax inoo dhexeeyo habayaraate ma jirto”

Kimathi Munjuri waxa uu intaasi ku daray in jaadka kaliya aanay Soomaaliya geyn balse ay sidoo kale badeecooyin ka soo iibsadaan dibna ugu soo celiyaan gudaha Kenya, ganacsigooduna uu yahay wax isdhaafsi.

“Haddii aynu iibino jaadka, annaguna waxaan soo iibsaneynaa badeecadaha kale ee laga helo Soomaaliya oo kalluunka uu kamid yahay. Kenya, kalluunka ugu badan waxaa uu uga yimaadaa Shiinaha, mana aragno sabab aynu Shiinaha uga soo qaadano kalluunka maxaa yeelay Soomaaliya oo aynu deris nahay ayanu ka heli karnaa kalluun badan oo wanaagsan, waxaa jira waxyaabo kale oo aynu Soomaaliya kasoo dhoofsan karno sida xoolaha nool iyo hilibkooda oo dalka Kenya ku yar,” ayuu yiri Kimathi.

Beeraleydka jaadka ee Kenya waxay sheegayaan inay tuhmayaan in sababta qaadka loo joojiyay ay tahay muranka xadka ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taasina aysan u wanaagsaneyn ganacsiga labada dal.

“Waxaaan dowladda aynu deriska nahay ee Soomaaliya ka codsan lahaa , haddii aan nahay reer Kenya in wadahadalada labada dhinac u dhaxeeya ee jaadka la xidhiidha loo arko mid muhiim ah oo la dedejiyo, si aynu dib ugu billawno ganacsiga jaadka.”