Silvia Romano Oo Ah Talyaani Oo U Istaagtay Necaybka Islaamka

Hargeysa, (Aftahannews)-Silvia Romano oo u dhalatay dalka Taliyaaniga islamarkana mar ay afduubteen Al-shabaab ayaa waxaa loo xil saaray in ay hormuud ka noqoto olola looga hortagayo Islaam naceebka dalkaasi Taliyaaniga.

Ururo ah kuwa bulshada rayidka oo fadhigoodu yahay magaalada Milan ayaa waxay Romano iyo 8 qof oo kale u magacabeen inay qeyb ka noqdaan mashruuc loogu ololeynayo sidii looga hortagi lahaa Islaam naceybka.

Silvia Romano oo qaadatay Diinta Islaamka ayaa waxay horey u sheegtay in hanjabado iyo daleeceen loo jeediyay.

Sababaha loogu magacaabay ayaa lagu sheegay inay tahay qof caan ah islamarkana qudheeda la kulantay falal la xiriira Islaam naceyb.Bishii March ee sanadkan waxaa Muran ka dhashay aayado quraan ah oo ay soo qortay oo dadka ay fikrado badan oo kala duwan ka qaateen ujeeddada ay ka leedahay.Labada aayadood ee ay ku fasirtay luuqadda Talyaaniga ayaa ku jira suuradda Fusilat.Ficilkan ayaa u muuqda mid ay Romano ugu jawaabeysay dadka hanjabaadaha iyo dhaleeceynta ugu jeedinaya baraha bulshada.

Caa’isha Romano waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfurta bari ee Kenya.

Koox hubeysan ayaa bishii November ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya.

Waxaa la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda ayaa garoonka diyaaradaha uga hor tagay markii ay Silvia kasoo dageysay magaalada Rome ee caasimadda dalkaas.