Tahriibayaashii 40-Ka Maalmood Badda Ku Jiray Oo La Qaabilay

Hargeysa, (Aftahannews)-Koox tahriibayaal ah oo uu soo badbaadiyay markab laga leeyahay dalka Denmark oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka ayaa loo ogolaaday inay ku degaan dalka Talyaaniga kadib in ka badan 40 maalmood oo ay badda ku jireen.

27-ka qof – oo ay ku jirto haweeney uur leh – waxay ka amba baxeen Liibiya 2-dii bishii Ogosto.Markabkii Maersk Etienne ee Dheenishka ahaa ayaa soo qaaday waxyar kadib markii markabkoodii uu bilaabay inuu quuso.

Laakiin markabkan ayaa loo diiday ogolaansho ah inuu ku xidho waddan kasta muddo bil ka badan. Muhaajiriintan ayaa se ugu dambeyntii ka degay Sicily habeenkii Sabtida.

Jimcihii kooxda waxaa loo wareejiyay markab samatabixin ah oo ay maamusho NGO-ga Badbaadinta ee lagu magacaabo Mediterranea Saving Humans. Waxaana la keenay dekedda Pozzallo.

“Tani waxay soo afjaraysa istaaagitaankii iyo baajintii ugu dheeraa uguna ceebta badnaa ee soo mara badda Yurub,” ayay Mediterranea ku soo qortay Twitter.

Waxay ku soo beegantay arrintani xilli Giriiggu la daalaa dhacayo in ka badan 12,000 oo muhaajiriin ah oo ku sugan Lesbos ka dib markii xerada qaxootiga ee Moria uu burburiyey dab.

Sida laga soo xigtay wadaha markabka Maersk Tankers, masuuliyiinta Malta waxay ka codsadeen shaqaalaha markabkani inay qaabilaan tahriibayaashan. Malta ayaa beenisay, waxayna sheegtay in badbaadintu ka dhacday meel ka baxsan dhulkooda.Tani waxay horseeday is-faham, iyadoo Talyaaniga iyo Liibiya ay sidoo kale diideen inay qaataan kooxdan, ayuu yidhi Maersk.

 

“Shaqaalaha waxay qabteen intii karaankooda ah si ay noloshooda u badbaadiyaan intii suurtagal ah laakiin maahan shuruudo aad qofna u bandhigi karto muddadan dheer,” agaasimaha farsamada Maersk Tommy Thomassen ayaa u sheegay BBC.

Hal nin oo magaciisa lagu sheegay Qaasim, ayaa la hadlay weriyayaasha wargeyska MaltaToday. waxaana uu weydiistay inay u wacaan qoyskiisa oo jooga Suudaan una sheegaan inuusan ku dhiman badda Mediterranean-ka.

Haweeneyda uurka leh oo iyana la yidhaahda- Embetta, oo reer Cameroon ah – ayaa iyana u sheegtay suxufiyiinta: “Kaliya waxaan dooneynay caawimaad, waxaan dooneyna uun inaannu ka degno markabkan.Warar ay qoreen warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in sidoo kale ay saarnaayeen tahriibayaal ka yimid dalalka Chad, Eritrea iyo Libya.

Maalmihii la soo dhaafay saddex ka mid ah muhaajiriinta ayaa xitaa ku booday badda si ay isugu dayaan inay is dilaan. Waxaa se mar labaad badbaadiyey shaqaalihii markabka. Waxyna sheegeen in qaarkood isku dayeen inay sidaas oo kale is dilaan ama naftooda waxyeelaan.Ilaa 19,400 oo tahriibayaal ah ayaa ka degay xeebaha Talyaaniga ilaa iyo sannadkan, marka la barbardhigo qiyaastii 5,200 isla muddadan oo kale sanadkii la soo dhaafay, sida lagu sheegay xog rasmi ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

UN-ku waxay sheegeen in 40,000 oo qof ay yurub ka soo galeen xaga badda sanadii 2020 halka in ka badan 400 oo qof ay dhinteen ama la waayey iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda mediterraneanka ee waqooyiga Afrika.

Waxaa se isweydiintu tahay sida loola macaamilayo soo-galootigan tirada badan, inta badan Talyaaniga iyo Griiga, ayaa ku kala qaybsamay Midowga Yurub sannado badan qaabilaadooda.Talyaaniga iyo Giriigga waxay ku eedeeyeen waddammada waqooyiga ee hodanka ah inay ka gaabiyeen inay wax badan qabtaan, halka tiro ka mid ah wadamada bartamaha iyo bariga ay si cad uga hor imaanayaan fikirka ah inay qaataan qoondada kaga soo hagaagta muhaajiriinta.Guddiga Yurub wuxuu soo bandhigi doonaa heshiis cusub oo ku saabsan socdaalka iyo magangalyada 30 Sebtember.