Madaxweyne Biixi: “Shirkad kasta oo Baadrool iyo Macdan baadhaaba waa inna dul-taagan yihiine…”

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dalka aqoontiisu aanay joojin meel fiican. Islamarkaanna wuxuu sheegay in dunnidu inna dul-taaganyey si macdan innooga baadhan.

Muuse Biixi oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaynu u baahanahay inaan ka tashano danteena innaga oo is tilmaamayna, waxaa hubaala tacliinteenu halka aynu doonayno iyo meel u dhow midna inaanay joogin ayaa xaqiiqo ah, dhammaanteen waxaa looga baahan yahay sidee halkaa u gaadhsiinaa, maanta dalkeena inta Banii-Aadamku raadinayo ayaa taalla Cadceedaa ugu wanaagsan oo adduunku kala badh oo badh Cadceed bay la’ayihiin, Ciid wanaagsan bay la’ayihiin, Roob bay la’yihiin intaaba Illaahay waa innagu manaystay, Ilaahay wuxuu innagu manaystay in la hubiyey in dhulkeena Baatrool ka buuxo oo macdanta qaaliga ah ee dahabku ugu horeeyaa meel dhaw oo aan qodis badan lahayn ku jirto oo hubaala, Shirkadaha caalamka oo dalkasta oo adduunka kamida iyo shirkadkasta oo baatrool baadha iyo mid Macdan baadhaba waa ina dul taagan tahay”.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi.