Taliyaha Millateriga  Somaliland oo la Garnaqsaday Beelo la heshiisiiyey

Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani
Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani

Laascaanood (Aftahannews)- Taliyaha Ciidanka Milgo Somaliland Sarreeye guuto Nuux Ismaaciil Taani ayaa kula dardaarmay ergadii ka qeybgashay madal lagu heshiisiinayey labo ardaa oo beesha Dhulbahante ah inay nabadgelyada ilaashadaan, kuna baraarujiyey in Ciidanka Qaranku marwalba u taagan yahay adkaynta nabadgelyada dalka iyo dadka Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani
Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani

Taliye Nuux oo ka hadlayey madal heshiisiineed oo ka dhacday magaalada Jidbaale ayaa sharaxaad ka bixiyey goobaha Ciidanku Qaranku dhexdhexaadinta khilaafaad dhexmaray beelo ka tirsan Somaliland ka galeen.

Waxaanu Taliyuhu yidhi; “Gobolka Sanaag colaadahu way ku badnaayeen, meesha noogu xumayd, waxay ahayd aaga Baharsamme iyo Qayaad, sannado badan ayaan ku jirnay, markii u dambaysayna eed ayaa naloo jeediyey, waxa eeda naloo saaray ciidan Dharkeyn-geeyo joogay ka soo kaxeeya ayaa la yidhi, ciidan Dhummay joogay ayaan kaxaynay, si aan ciidanka kale ugu soo beddelno, halkii ayaa naloo weydaartay, burbur ayaa ka dhacay? Waxa la yidhi, ‘way ogaayeen’ annaguna (Ciidanka Qaranka) daacad ayaanu ka ahayn, maxaa laga faaiiday, boqolaal ayaa dhimasho iyo dhaawac noqday, magaalooyinkii Dhummay iyo Daba-taag way burbureen? Hadda way heshiiyeen? Maxaa la faa’iiday? Manta la heshiiyee, agoomahii side la odhanayaa?”

Taliyaha Ciidanka Qaranka S/G Nuux Ismaaciil oo ka sii hadlayey dedaallada Ciidanka Qaranku u galeen qaboojinta colaadaha beelaha iyo deelqaafyo kaga yimi dhexdhexaadintooda, ayaa yidhi,
“Waxaanu tagnay Ceegaag oo Hagar iyo Hayaag, waxa la yidhi waa kuwa ciidankii Ceegaag degay, waxay u hiilinayaan Hayaag? Dee horta haddaanu ku sii deyno Hagar meesha wuu baabi’in lahaa? Markaa caqligu waxuu ku siinayaa inaad dhinaca jilicsan ka ilaaliso dhinaca awooda leh inuu muquuniyo? Dhabtiina waanu kala joojinay. Markaa ayaa nalagu soo gaadhay Ilaahay SW mahadii, nabadiina waa la dhaliyey.” ayuu yidhi Taliye Nuux, isagoo raaciyey.

“Waxa ku xigtay halka aynu manta joogno, waa nala xamanayey, fule xantii ma mooga? Sirdoon badan ayaanu leenahay, laakiin waxaan doonayaa xanta inaan meesha ka saaro, sidii goobahii hore Ciidanka Qaranku Daacad ayuu ahaa. Waxaad nagu xamanayseen Ugaadhyahan baad tihiin Jaamac siyaad? Aan kaftammo, hadaad raali ka tihiin? Wakhtigii Nebiga CSW, muhaajiriin iyo Ansaar ayuu dadku kala ahaa, dadkii Maka ka yimi muhaajiriintii ayey ahaayeen, dadkii Madiina loogu yimina Ansaartii ayey ahaayeen, annagu (Ciidanka Qaranka) markaanu xagaa ka nimi Jaamac Siyaad ayaa na soo dhoweeyey? Markaa Jaamac Siyaad Ansaartii muhaajiriinta soo dhoweysay ayey ahaayeen? Idinkuna geeska ayaad na geliseen, intaad taa nagu tuhuntaan gar baad u leedahiin, laakiin xaqiiqadu waxay ahayd inaan dhex idiin ahayn.”

Taliye Nuux ayaa ugu baaqay beelaha shaqaaqadu dhexmartay inay wadajir waxii saami ay dalbanayaan uga raadsadaan xukuumada Somaliland, waxaanu yidhi, “Imika Wasiirka Warfaafinta Md Saleebaan Koore, waxuu Madaxweynaha JSL oo uu la hadlayey u sheegayey ‘Beeshaydu way yimaadeen, waana diyaar, waxay kaa doonayaan, waxii ay xaq u lahaayeen’ hadalkaa Wasiirku sheegayo inay idiinka muuqato ayaa wanaagsan. Waxii idiinka maqnaa markaad ka tagteen walaalkiin oo Jaamac siyaad hadday idiin sii hayeen, ma dembi ayey galeen, kolay cid ayaa qaadan lahayd.

Gebagabadii waxuu Taliye Nuux kula dardaamay waxgaradkii goobta fadhiyey in wadajir looga qeybqaato nabadgelyada iyo wada noolaanshaha beelaha degan Sool.

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.