Mahadsanidiin Ciidanka Qaranka Somaliland in aad na joojiseen: Qalinka. Dr. Jama Musse Jama

Dr. Jama Musse Jama, Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa

Mahadsanidiin Ciidanka Qaranka Somaliland in aad na joojiseen:
Dr. Jama Musse Jama, Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Dr. Jama Musse Jama, Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa
Dr. Jama Musse Jama, Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa

Habeennadan haddii aad soo marto magaalada Hargeysa adiga oo gaadhi wada, waxa aad khaatiyaan iska taagaysaa jidka cidhiidhiga ah iyo kuyuuga gawaadhida. Kolka aad se ogaato sababtu in aanay roobka uun ahayn, iyo waddooyinka go’an, balse ay joogaan ciidanka qaranku iyaga oo ku baadhaya gaadhi kasta, waxa aad odhanaysaa Eebbe ayaa mahad leh, in la ii joojiyey si nabaddayda loo hubiyo, oo dedaal loo gu galo, in la helo oo la qabto cidda xumaanta wadda ee la tuhmay.

Roob baa ku da’aya korkooda, dharkuna way ku dul qoyeen, dadkuna way dhibsanayaan amarradooda, iyagu se waa direnayaal xilkooda ka soo baxaya, oo u taagan halkaa habeenkii oo dhan, in aniga iyo isaga iyo adiguba aynu nabad ku seexanno caawa, kuna soo toosno. Waxa ay u taagan yihiin sugidda nabaddeenna iyo degganaansheheenna.

Haddaba, kolka uu ku yidhaahdo askari “daaqadda danbe deji oo laydhka dhexe siraad,” ha karaahiyeysannin in daaqadda danbe ay ka soo galaan biyaha roobka oo uu gaadhigu kaa qoyo e, dhugo askariga dushiisa radsan iyo roobka uu dhex taagan tahay. Eebbe ha ku abaalmariyo.

Inta tashuushka wadda ee jaarkeenna wax ku qarxinaysaa, innana balaayada innala jecel ee soo hanqaltaageysa, Eebbe sharkooda ha innaga badbaadiyo, shicib iyo ciidan iyo cid walbana ha ku darsato wax nabadda, oo ha la is garabgalo, hana la isu dulqaato, hana la feejignaado.

Ciidanka Qaranka na waxa aan leennahay, Ilaahay ha idinka abaal mariyo wanaagga aad shaqadiinna ku gudanaysaan, iyo dulqaadka. Dadkeennana isku duubni iyo cadowga nabadda iyo qaranka oo meel laga is taago Eebbe ha inna garansiiyo.

Mahadsanidiin Ciidammada Qarankow.

Hargeysa, Seebtember 11, 2020.