Xaamiga Suuqa Siyaasadda Somaliland iyo Badeecadaha laga Baayac-mushtaraynayo!

Astaanta Xisbiga Kulmiye
Astaanta Xisbiga Kulmiye

Qiyaas ahaan labadii sanno ee u dambeeyey, waxa caajis xooggan laga dareemay suuqa lagu iibiyo arrimaha khuseeya siyaasadaha gudaha Somaliland, gaar ahaan siyaasadaha khuseeya xisbiyada qaranka, halka sidoo kale ay meesha ka baxeen bacadeecado siyaasadeed oo ay ka ganacsan jireen xisbiyada dalka, siyaasiyiin madaxbannaan, madax-dhaqameedyo, dadka weji-ku-macaashka ah iyo dillaaliinta la qabsaday ka ganacsiga badeecadaha siyaasadeed ee dhinacyada kala duwan lahaa mucaarid iyo muxaafidka.

Astaanta Xisbiga Kulmiye
Astaanta Xisbiga Kulmiye

Iyadoo ay arrintaasina dowladda, xisbiyada iyo qaranka Somaliland u madhxisay dhaqaale badan oo lagu kharashgarayn jiray suuqyada siyaasadda, inkastoo ay sidoo kale taasina saamayn dhaqaale iyo mid busaaradeed ku yeelatay guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaan dadka laga maalgelin jiray ama ka ganacsan jiray siyaasadda.

Haddaba, laga bilaabo bishan aynu ku jirno ee September 2020 ilaa ugu yaraan bilaha ka hadhsan bilawga sannadka soo socda ee 2021 haddii Ilaahay yidhaahdo, waxa muuqata in suuqa siyaasadda Somaliland uu noqon doono mid xaami ah, kana baxa badeecatul-caajiska uu ku jiray.

Qodobka ugu weyn ee suuqaas xaamiga xooggan ka dhigayaana waa Shirweynaha 4-aad ee xisbiga KULMIYE oo loolankiisu mar walba saamayn dhinacyo kala duwan ah ku yeesho Somaliland, iyadoo badeecadaha qudha ee suuqa siyaasadda lagu kala iibsanayo ay yihiin badeecado lagu soo farsameeyey warshadda KULMIYE (made in Kulmiye), waxayna badeecadahaasi isugu jiraan qaar cusub oo hadda bacda laga soo jarayo oo loogu talogalay in reer KULMIYE kala iibsadaan iyo badeecado hore oo waqtigoodu dhacay ama la beddelayo markii ay suuqyada uga socon waayeen sidii loogu talogalay, waxayna reer KULMIYE u muuqdaan qaar u kala baxaya laba qaybood oo kala ah; qayb wadata badeecadaha cusub ee la soo saarayo iyo qayb doonaysa in badeecadihii hore weli suuqa ku sii jiraan oo aan loo baahnayn in mid cusub la soo kordhiyo.

Iyadoo khilaafka ugu weynina ka taagan yahay in labadaas badeecadood si isku mid ah oo simman loogu soo bandhigo carwada guud ee lagu kala iibsanayo badeedadaha ka soo baxay warshadda KULMIYE, carwaddaas oo si rasmi ah u furmaysa 4/10/2020 (4 October), soona xidhmaysa 6/10//2020, waxaana durba bilaabmay in badeecadaha qaar ay buuxin waayeen shuruudihii u suurtogelin lahaa in lagu soo bandhigo carwaddaas KULMIYE ee saddexda maalmood ka soconaysa Hargeysa.

Si guud marka loo eego, badeecadaha ka soo baxaya warshadda KULMIYE, waxay si xoogan xaami uga dhigi doonaan suuqya siyaasadda Somaliland, iyadoo ay shaqo-abuur ka heli doonaan dad badan oo xirfadahooga shaqo kala duwan tahay, gaar ahaana kooxaha weji-ku-macaashka ah, dillaaliinta siyaasadda, madax-dhaqameedyo ay suurtogal tahay inay qaabab qabyaaladeed suuqa u soo cidhiidhsadaan, qolooyinka saxaafadda, gaar ahaan Telefiishanada ayaa iyaguna suuqaas ka faa’iidi doona, sidoo kale dadka ku xoogsada afmiishaarnimada, xammaasadda qabyaaladda iyo dhallinyarada isticmaala baraha bulshada (social media), weliba kuwa badeecadaha ku faafiya YouTube-yada ee Killig-ku-noosha ah ayaa iyaguna suuqa ka macaashi kara, waxayna arrimahaasi dhaqaale u abuuri doonaan dad badan oo jeebadahooga ay caaro ku dhalatay saddexdii sanno ee u dambeeyey, maadaama aanay jeebadahooga wax lacag ah ama doollar ah soo gelin muddada ay suuqyada siyaasaddu u handaraabnaayeen Xukuumadda KULMIYE.

Dhinaca kale, suuqyada lagu kala iibsanayo badeecadaha KULMIYE, waxa si fiican uga dukaamaysan doona xisbiyada mucaaridka ee WADDANI iyo UCID oo warshadahoogu aanay wax-soo-saar buuran samayn saddexdii sanno ee u dambeeyey, iyadoo ay reer Somaliland oo dhan mucaarid iyo muxaafidba ay isha ku hayaan ama ay u weel-tolanayaan sidii ay doorkan macaash buuran uga dhex samayn lahaayeen suuqa lagu kala iibsanayo badeecadaha KULMIYE, taasina waxay faa’iido u noqon kartaa reer KULMIYE, balse waxa suurtogal ah in badeecado dadku jecel yahay oo lagu farsameeyey warshadda KULMIYE ay u wareegaan dhinaca suuqyada mucaaridku ku xoogan yahay ee gudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa Qoray Weriye Maxamed Cumar Cabdi (Cirro).