Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Madaxweyne Biixi iyo Ku Xigeenkiisa

Halkee Ayuu Salka Ku Hayaa Khilaafkaasi? Saamayn intee leeg Ayuuse Ku Yeelan Karaa Mustaqbalka Madaxweyne Biixi Iyo Aayaha Dambe Ee Xisbigiisa?FAALO.

Hargeysa (Aftahannews)- Loollanka loogu jiro buuxinta xubnaha Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye oo la filayo in Shir Weynihii Xisbiga ee muddo dhaafka ahaa uu dhawaan ka qabsoomo magaalada Hargaysa, ayaa waxa ku xeeran dareeno isku lid ah kuwaasoo weji kale u yeeli kara jihada uu Xisbigu u socdo iyo mustaqbalka Siyaasadeed ee wadajirka bah-wayntii Xisbiga ee ka soo jeeday Gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Togdheer kuwasoo sida xaqiiqda ah iyagu ahaa laf-dhabarta guulihii uu Xisbal Xaakimku siyaasada ka gaadhay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Tartanka uu Xisbiga KLMYE iclaamiyey ee lagu sheegay in lagu tartami doono Xubnaha hogaanka sare ee Xisbiga, wuxuu u muuqdaa ciyaar la soo gunaanaday natiijadeedana la sii ogyahay! Murashixiinta u tartamaya Hogaanka Xisbiga ee laga Qabtay Araajida iyo lacagta lagu xidhay isla markaana buuxiyay shuruduhii looga baahnaa, waxa dhici karta in Bulshada JSL badankoodu ay u haystaan in lagu tartami doono dhammaanba xilalka hoggaamineed ee Xisbiga, sida: Gudoomiyaha Xisbiga, ku xigeenka koowaad, labaad, saddexaad, iwm.

Arrinta xiisaha leh ee ugubka ku ah saaxada Siyaasadda Xisbiyada Qaranka waxa weeye in tartanka rasmiga ah ee Xisbiga KLMYE ka dhex dhici doonaa uu ku soo koobmay hal kursi ama jago oo keliya!! Kursigaasi oo ah booska Gudoomiye ku-xigeenka Afraad ee Xisbiga oo uu muddo 10-kii sano ahba ku fadhiyey, welina ku fadhiyo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Waxa xusid mudan in aan haba yaraatee lagu tartami doonin kuraasta ka saraysa jagada uu Saylici haatan ka hayo Xisbiga, taasoo macnaheedu yahay in aan cidi la tartamayn Gudoomiyaha Xisbiga ahna Madaxwaynaha jsl Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, iyo weliba ku xigeenka labaad ee Xisbiga oo uu Madaxweyne Biixi ku muunaynayo abaalgudna uga dhigay Axmed Cabdi Dheere, maadaama uu masuulkani noqday qofka keliya ee beeshiisa ka raacay Madaxweyne Muse Biixi!

Haddaba su’aasha is weydiinta mudani waxa weeye: Maxaa badka dhigay kursiga Cabdiraxman Saylici oo keliya? Maxaa laga uriyey xilka gudoomiye ku xigeenka Afraad ee Xisbiga KLMYE?

Akhristow hadii aynu dib u yara milicsano taariikhda gad-gadoonka badan leh ee u gaarka ah Xisbal Xaakimka, waxa xusid mudan in Xisbiga KLMYE laga bilaabo aasaaskiisii ilaa maanta, aanu marnaba ku sifoobin Xisbi dimuqraadi ah oo si dhab ah u dabaqa ama ugu dhaqma xeerarka saldhiga u ah hannaanka dimuqraadiyada ee loo yaqaano tartanka xorta ah! Xisbiga KLMYE weligiiba kamay dhex dhicin tartamo daah-furan oo lagu wada qancay oo ay cid kasta oo han siyaasiya ah lihi ay Xisbiga KLMYE si xor iyo xalaal ah uga dhex tartanto calafkoodana ka qaadaan.

Hadaba wararka laga helayo ilo wareedyo xogogaal ah oo aad ugu dhow Madaxtooyada, una dhuun daloolo loolanka ka socda Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in uu khilaaf culus ka dhex bilaabmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi iyo Madaxwayne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil (Saylici) khilaafkaasi oo salka ku haya loolanka Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka jira, jidaha siyaasada dalka iyo hannaanka hoggaamineed ee Madaxwaynaha talada haya.

Ummadda Somaliland, gaar ahaan intooda siyaasada u dhuun daloosha, waxay ka dheregsan yihiin sida uu Madaxweyne Muse Biixi ku yimid halka uu maanta joogo. Sanadkii 2014-kii Madaxweyne Silanyo ayaa wuxuu Muuse Biixi u xidhay in aan cidi kula tartamin kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Sidoo kale, sanadkii 2015-kii Madaxweyne Silanyo ayaa mar kale wuxuu Muuse Biixi u xidhay in aan jagada Murashaxa Xisbiga aan cidi kula tartamin, iyadoo loo xiniinyo siibay dhammaanba haldoorkii Xisbiga Kulmiye ee hanka iyo hiraalka fogba lahaa ee iyagu doonayay ama ku hamiyayey in ay dalkan iyo dadkiisaba u hoggaamiyaan si ka duwan sida ay xaaladuhu haatan yihiin.

Hadaba, tartanka dhabta ah ee Xisbiga KLMYE wuxuu ku soo ururay in lagu tartamo kursiga afraad ee Saylici kaasoo ay u sharaxan yihiin laba Wasiir oo xukuumada ka tirsan oo dhabarka la soo taabtay, islamarkaana ay isku beel ka M/weyne ku xigeenka. Sida ay tilmaamayaan xoguha aanu ka helnay dadka arrinta u dhuun daloola, Madaxweyne Biixi wuxuu weerar cad ku soo qaaday jagada keliya ee ay Beesha Samaroon ku leedahay Xisbiga Kulmiye. Ujeedada uu Madaxweyne Biixi damacsan yahay ayaa lagu sheegay in ay tahay in uu gebi ahaanba meesha ka saaro kursigii maqaar-saarka ahaa ee ay Beesha Saylici (Maxamed Case) ku lahaayeen Xisbiga, iyadoo la wada ogyahay in Saylici iyo beeshiisu intuu Xisbiga Kulmiye jirayba ay ahaayeen kuwa keliya ee sida tooska ah mar walba ula safnaa Xisbiga Kulmiye, oo haatan u muuqda in si gurracan looga fara maroojinayo.

Xogaha aanu helnay waxay si weyn u tibaaxayaan in Madaxweyne Biixi damacsan yahay in uu Xisbigiisu helo xulufo Siyaasadeed oo cusub, isla markaana uu awooda saarayo in Madaxweyne ku xigeenkiisa doorkiisa labaad uu ka soo baxo beesha Jibriil Yoonis. Taasi ayaa keentay in la sadqeeyo kursiga ku xigeenka afraad ee Xisbiga, dhabarkana uu soo taabtay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Saajin, iyadoo la wada ogyahay in Saajin aanu habeen keliya isku hawlin Xisbiga Kulmiye, kursiga Wasiirnimadana uu ku helay Xididnimada Madaxweyne Biixi, halka ay beeshiisuna cudud iyo cuudba la garab joogaan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Khilaafka Madaxwayne Biixi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxman Saylici ayaa banaanka u soo baxay ka dib markii Cabdiraxman Saylici uu ka biyo diiday sida uu wax u wado Madxawayne Biixi oo aan wax la tashiya kala samayn jaangaynta Siyaasada Xisbiga Kulmiye ee mustaqbalka iyo cida buuxin doonta booska uu banayn doono dhawr sano ka dib, wallow aanay isku xidhnayn gudoomiye ku xigeenka xisbiga iyo murashaxnimadu.

Sidoo kale xogaha aanu ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyay guriga Saylici ay ka jireen shirar uu la qaadanayay kaadiriinta Xisbiga Kulmiye iyo qaybo ka mid beelaha Somaliland kuwaasi oo ay ujeedada kulamadiisa lagu sifeeyay in ay daaran yihiin sidii uu u waajihi lahaa dagaal siyaasadeed oo dhexmara Madaxweyne Biixi oo kursiga dalka ugu sareeya loo wada doortay, balse wakhtigan u muuqda in uu kala kexeeyay doonista Madaxweyne Biixi ee jiho badalka siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye oo u muuqda mid ka guuraya isbahaysigii xisbiga ee beelaha Somaliland gaar ahaan Awdal iyo difaacashada masiiriga ee Saylici oo isagu jid dheer u soo maray Xisbiga Kulmiye iyo hogaamintiisa dalka ee gobolka awdal.

Dhanka kale khilaafka Muuse iyo Saylici ayaa saamayn taban oo riiq dheeraada ku yeelan kara xulufadii soo jireenka ahayd ee Kulmiye. Sidoo kale tallaabada uu qaaday Madaxweyne Biixi waxay kala qaybsanaan hor leh ka abuuraysaa Gobolka Awdal, iyadoo mudooyinkii u danbeeyay la ogyahay xaaladaha ka taagan Awdal iyo kala qaybsanaanta ka dhex taagan madax dhaqameedka kasoo horjeeday doorashadii Madaxweyne Biixi iyo iyo Saylici ay xiligan is waydaarteen taasi oo keentay in madax dhaqameedkii Xisbiga Kulmiye u ololaynayay doorashadaasi ay xiligan si wayn uga soo horjeedaan doorasho lagu galo bilaa saami qaybsiga.

Halka ay madaxdhaqameedkii ka soo horjeeday in xisbiga kulmiye qabto talada dalka ay hada taageersan yihiin in la galo doorashada golaha wakiilada iyo deeganka, taasoo kala qayb sanaantan laga dhex dareemayo doorka ay ku leeyihiin Madaxweyne Muse iyo Xulufadiisa cusub.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka Madaxweyne BIIXI iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu wadaa in uu yeeshay wajiyo khatar galin kara xaalada dalka halka uu Cabdiraxman Saylici ku doodayo sababta uu M/weyne Biixi iyo xulafadiisu iska indho tirayaa doorka uu xisbiga ku leeyahay iyo waxa tartanka xisbiga loogu soo koobay kursigiisa, wallow Madaxweyne Biixi iyo kooxaha ka dhow dhowi aanay wakhtigan xaadirka ah muhiimad wayn siinaynin Cabdiraxman Saylici oo isagu ah siyaasi mudo dheer dheer Xisbiga Kulmiye ku soo jiray islamarkaana gobolka Awdal laba doorashoba guul ka keenay.