Shirkad Lacag lagu siiyo inay Burburiso Nolosha Lammaanayaasha!

Aftahannews – Waxaa jirta Shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo “Wakaresaseya” si ay xaaskaaga u shukaansadaan ka dibna kuugu caawiyaan inaad iska furtid Ninkaaga amma Xaaskaaga. Laakiin lacagtu waa imisa?

Sannadkii 2010, Takeshi Kuwabara waxaa xukun maxkamadeed loogu riday inuu dilay xaaskiisa, Rie Isohata. Arrinta maskaxda caalamka qabsatay ma ahayn musiibada dilka ah, balse waxay ahayd in Kuwabara uu ka tirsanaa koox lagu magacaabo wakaresaseya – wuxuuna lacag uga qaatay Isohata seygeeda si uu xidhiidhkooda guurka usoo afjaro.

Ninkan ka tirsanaa kooxda qoysaska burburisa ee wakaresaseya, oo isaga qudhiisa lahaa xaas iyo carruur, wuxuu ka shaqeeyay in uu Isohata kula kulmo meel suuq ah. Wuxuu u sheegay inuu yahay nin aan waligiis guursanin oo ka shaqeeya qalabka tiknoolojiyadda. Qaabka uu markaas u muuqday ayaana u ekeysiinayay waxa uu sheegayay.

Dhanka kale, nin ay isla shaqeeyaan Kuwabara ayaa sawirro ka qaaday iyagoo isla jooga hoteel ay jacaylkooda ku jilayeen, wuxuuna u geeyay seygeeda.

Sidaas darteed Isohata seygeeda wuxuu sawirradaas caddeyn ahaan ugu adeegsaday kiis maxkamadeed oo uu ku doonayay inuu xaaskiisa isaga furo.Caddeymaha noocaas ah aad bay muhiim uga yihiin dalka Japan, marka ay nin iyo xaaskiis midkood furriin doonayo.

 

Markii ay Isohata arrinta dhacday, way ka cadhootay waxayna go’aan ku gaadhay inay xidhiidhka u jarto gacaliyaheeda cusub, Kuwabara. Laakiin isagu raalli kama uusan ahayn inay ka tagto, wuxuuna ku dilay xadhig uu ku ceejiyay.Muddo hal sanno ah kaddib waxaa lagu xukumay 15 sanmo oo xabsi ah.Hoos u dhac weyn ayaa ku yimi shirkadda ka shaqeysa burburinta qoysaska ee wakaresaseya, kaddib markii uu dhacay dilkii Isohata.

Musiibadaas ayaa horseeddat in wax laga baddalo qaabkii ay u shaqeyneysay shirkaddu. Waxaa ku adkaatay inay dhinaca dowladda ka hesho shati ay howlaheeda ku fuliso.Waxyaabaha kale ee hoos u dhigay waxaa ka mid ahaa in ay qandaraasyada ka diideen shirkadaha ku xayeysiin jiray dhinaca online-ka.

Shacabka ayaa dareen cadho leh ka muujiyay howshooda, sidaasna waxaa ugu adkaatay inay sii shaqeeyaan.Haddana sidaasoo ay tahay, toban sano kaddib dilkii Rie Isohata, waxaa hadda dib usoo laabtay xayeysiimihii dhinaca online-ka ee loo sameyn jiray shirkaddan, ganacsigeeduna wuxuu u muuqdaa inuu mar kale sare usoo kacayo.

Inkastoo qarashka ay wakaresaseya qaadaneyso si ay qoyskaaga u burburiso uu aad u badan yahay, haddana waa la daneynayaa in la adeegsado.Shirkaddan wali suuqeeda waa mid qarsoodi ah. Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 270 qof oo ka shaqeysa wakaresaseya lagu xayeysiinayo dhinaca online-ka.

In badan oo ka mid ah waxay la shaqeeyaan hay’adaha sirdoonka ee waddamada, iyagoo ka kaashada sida lagu ogaan karo arrimo badan oo dadka khaas u ah, si ay ugu fududaato inay qofka xidhiidh ula sameeyaan si sahlan.In ay sii socoto shaqada wakaresaseya waxay muujineysaa in lacagta iyo khiyaanada ay kaalin weyn ka ciyaarayaan burburka xidhiidhada qoysaska iyo lamaaneyaasha, waliba si ka badan sida ay dadka dareemayaan.