UNICEF oo gurmad u gashay badbaadinta 4-Milyan oo Carruurta Filibiinta Duufaantu Saamaysay

Filibiin(Aftahannews):- Hay’ada Qaramada Midoobay ee badbaadada Carruurta ee UNICEF, ayaa bixisay Deeq isugu jirta Cuntada dheelliga tiran ee Carruurta, Dawooyin, Biyo iyo agabka nadaafadda iyo fayo-dhowrka meelo ka tirsan dalaka Philippine ee ay ku habsatay duufaanta typhoon haiyan.

131111035503_haiyan_typhoon_the_philippines_512x288_1_nocredit

Typhoon 01

Taasoo in ka badan 3000 qoys waxyeelo ka soo gaadhay gaar ahaan iyadoo culayska la saarayo Tacloban oo ka mid ah meelaha duufaantu wax yeelaysay. Waxaana ku naf-waayey Duufaantaas dad lagu qiyaasay dhawr iyo toban kun oo ruux, halka boqollaal kun oo qoys ku barakaceen, kuna waayeen nolol-maalmeedkii ay la soo bixi jireen iyo goobihii ay geli jireen (guryahoodii).

“Haddan tiiyoo khatar weyni jirto ayaanu haddana u qaybinaynaa cunto iyo daawo caruurtaasi.” sidaa waxa yidhi Tomoo Hozumi oo ah Wakiilka u fadhiya Unicef dalka Philippine. Isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi; “Aad bay u adag tahay in la gaadhno meelaha ugu sii khatarta badan ee waxyeeladu soo gaadhay, way kala xadiidantahay helitaanka kuwa uu burburka ay soo gaadhsiisay Dhismayaasha iyo Isgaadhsiimihii duufaanta Typhoo.”

“Laakiin, illaa hadda waanu shaqaynaynaa saacad walba si aanu u gaadhsiino caruurta si kastoo ugu dhakhso badan ee xaalad waliba ay ogoshahay. in kastoo Carruurta inta ka badbaada dhaawacyada Duufaanta typhoon ay u baahan yihiin in la kaalmeeyo hadday noqon lahayd daawo iyo Nolol inta ay ka soo kabanayaa dhibaatada iy daranyada.” Sidaa ayuu yidhi Masuulkan Unicef u hadlay Tomoo Hozumi.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.