Somaliland oo ku biirtay Dalal Taageertay Heshiiska Imaaraadka & Israa’iil & Dowlado Cambaareeyey

SOMALILAND OO TAAGEERTAY HESHIISKA IMAARAADKA IYO ISRAAIIL 2020
SOMALILAND OO TAAGEERTAY HESHIISKA IMAARAADKA IYO ISRAAIIL 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa taageertay hesiishka loogu magacdaray “Abraham Egreement “, kaas oo dhemxaray Dalalka Israel iyo Imaaraadka Carabta, isla markaana uu Madaxweyne Trup muddo dheer dabada ka riixayay.7

SOMALILAND OO TAAGEERTAY HESHIISKA IMAARAADKA IYO ISRAAIIL 2020
SOMALILAND OO TAAGEERTAY HESHIISKA IMAARAADKA IYO ISRAAIIL 2020

Heshiiska, ayaa Khamiistii looga dhawaaqay warmurtiyeed wadajir ah oo ka soo baxay Aqalka Cad oo loogu yeedhay “Abraham Accord”, taasoo la macno ah in Israa’iil ay xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale la yeelato dalka Imaaraadka Carabta.

Qorshaha heshiiska ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay si loo helo aqoonsi iyo cilaaqaad dhexmara Xukuumadda Yuhuuda iyo Imaaraadka, iyadoo Israa’iil ay ballanqaaday inay joojiso himilooyinkeeda ku waajahan qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

“Annagoo ah dad jecel nabada waxaan taageersanahay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex dhexaadka ahaa ee dhex maray Isu-tagga Imaaraatka iyo Israel ee isdhaafsiga ah ee miiska saarida (joojinta codsashada madaxbanaanida Daanta Galbeed).” Ayuu yidhi, Ambassador Bashe Omar oo sidaa bartiisa Twitterka ku qoray.

“Heshiisku wuxuu tusaale wanaagsan u yahay isbahaysiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee danaynaya xasilloonida gobolka iyo iskaashiga, wuxuuna adkeeyay damaca weligiis ah ee nabad ku helidda deriska.” Ayuu yidhi, Ambassador Baashe.

Dhawr dal oo ay ka mid yihiin Germany, Egypt, Bahrain, Oman, United Kingdom, France iyo  Qaramada Midoobay (United Nations), ayaa taageeray heshiishka Israel iyo UAE.

Balse qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo dawladdaha Islaamka ayaa ka biyo diiday heshiiska xukuumada Jordan waxay sheegtay in heshiiska khamiista ee lagu dhawaaqay ee u dhexeeya Israel iyo Imaaraatka carabta uu horseedi karo inuu joojiyo wadahadalada nabadeed haddii ay ku guuleysato inay ku soo celiso Israel inay aqbasho dowlad Falastiin oo ku taal dhul ay Israa’iil qabsatay dagaalkii Carab-Israel ee 1967.

Guul darraysiga Israel ee ah inay tan samayso waxay kaliya sii fogeyn doontaa tobanaan sano oo colaad ah oo u dhaxeysay Carabta iyo Israel waxayna Khatar ku tahay amniga gobolka guud ahaan, ayuu yidhi Safadi.

Wasiirka arrimaha dibedda dalka Jordan, Ayman Safadi ayaa sidaa ku sheegay bayaan ay soo saartay warbaahinta dawladda. “waxaan u arkaa mid dhiirigelinaya joojinta qabsashada … waxay gobolka u horseedi doontaa nabad waarta, ” ayuu yidhi.

Safadi wuxuu sheegay in heshiiska ay tahay in ay raacdo Israel oo joojineysa dhaqaaq kasta oo mideysan oo lagu doonayo in lagu qabsado dhul ku yaal galbeedka la qabsaday ee ah “in la hor istaago rajooyinka nabadda iyo ku xadgudubka xuquuqda Falastiin”.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, ayaa diiday heshiiska. Afhayeenka Abu Rudeineh, oo akhriyey hadal ka soo baxay xarunta Abbas ee Ramallah ee Daanta Galbeed, wuxuu ku sheegay inay tahay “khiyaanayn Qudus, Al-Aqsa (Masaajidka saddaxaad ee Islaamka) iyo qadiyadda Falastiin”. Ayuu yidhi, Abu Rudeineh.

Sidoo kale, Xukuumadda Iran, ayaa ku tilmaantay heshiishkaa khalad aad u weyn, Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa ku gacan saydhay heshiiska “khalad aad u weyn”.

Rouhani wuxuu yidhi, “Maamulayaasha Imaaraadku waxay u maleynayaan in haddii ay u dhawaadaan Maraykanka iyo nidaamka Zionist, in amnigooda uu hagaagi doono dhaqaalahooduna uu kori doono,” ayuu yidhi Rouhani. “Laakiin tani gebi ahaanba waa khalad.”

Hoggaamiyaha Iiraan ayaa dhankiisa sheegay in heshiiska UAE-Israel uu yahay “khiyaanaynada arrimaha reer Falastiin”.

Iyadoo Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iran si u dhalleeceeysay heshiiska oo ay ku macnaysay tallaabo “nacasnimo istiraatiiji ah oo ka socota Abu Dhabi iyo Tel Aviv”.

Xigasho Araweelo News Network.