Somaliland: Xeer Xukunno cusub ku Jidaynaya Qofka isticmaala Maandooriyaha oo la Ansixiyey

Filed under: Wararka |

Hargeysa (Aftahannews):- Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta ansixiyey xeerka Maandooriyaha oo horyaallay golahaas, isla markaana wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey maalmihii u dambeeyey ay mudanayaasha wakiilladu ka doodayeen.

Qodobbada la ansixiyey ee xeerka ku jira ayaa waxa kamid ah in qofka lagu qabto isaga oo Maandooriye isticmaalaya, maxkamadda horteedadana ka hor cadeeya lagu Xukumaayo saddex sanno ilaa laba sanno oo bilaa iib ah iyo afartan jeedal oo ciqaab ah.

Xildhibaanada ayaa badi diiday oo dood ka keenay in walxaha ka samaysan maandooriyaha aan loo isticmaali karin.

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login