Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud: “Somaliland Beelaha wada Degaa leh, waana in loo Caddaalad sameeyo..”

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana soo jeeda gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan wakhtiga ay Komishanku soo jeediyey inay ku qaban karaan Doorashooyinka, waxaanu xusay in wakhtigaas lagu dhameeyo wax kasta oo dib u dhac keenaya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud,oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika oo aannu warkan ka soo xigannay, ayaa yidhi; “Komishanku muddo ayey qabsadeen, muddadaas ay qabsadeena, waxay ku sheegeen inay Doorashooyinka ku qaban karaan, kolay iyaga ayaa xilka iska leh, isla markaana awooda ay ku qaban karaan Doorashooyinka sheegi kara.”

“Laakiin, Komishanku wakhtiga ay qabsadeen in lagu dhamaystiro wixii caqabado ah ee doorashooyinka hor istaagaya ayaa daruuriya, sida saami-qaybsiga, kootada haweenka iyo tirada Beelaha laga tirada badan yahay, ta kale Maxkamadda Dastuuriga ahi 2005 waxay go’aamisay in doorashada Golaha Wakiillada lagu galo bilaa saami-qaybsi.” sidaa ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Xaamud oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi; “Xaqiiq ahaana saami-qaybsiga oo doorashada lagu galaa waa daruuri, waana muhiim, cid walba inay xaqeeda hesho ayaa loo baahan yahay, maxaa yeelay Somaliland Beel gaar ahi ma leh, ee Beelaha wada dega ayaa wada leh, in loo caddaalad sameeyo ayaana muhiim ah”.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, wuxuu ku baaqay in dadkii waxyeelladu ka soo gaadhay Roobabka wax la taro oo loo gurmado.

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.