Farmaajo: “Heshiis kasta oo ka soo baxa Dhuusamareeb, Baarlamaanka ayaan keeni doonaa oo..”

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay lahaayeen Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa ka hadlay wadahadallada ku saabsan doorashada ee uu dhowaan kula yeeshay magaalada Dhuusamareeb madaxda dowlad-goboleedyada, iyo shirka loo ballansan yahay in uu ka dhaco isla magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka qeybgalayo wajiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb oo ujeedkiisu yahay in laga heshiiyo habka doorashada Soomaaliya.

Waxa uu ballan qaaday in heshiis walba oo ka soo baxa shirka dhowaan ka qabsoomi doona magaalada Dhuusamareeb uu ku soo celin doonno Golaha Shacabka.

“Waxaan idin caddeynayaa in Golaha Shacabku uu wakiil u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowlad-goboleedyada. Go’aanka aad gaadhaan waa in dalka oo dhan laga aqbalo, waxaanna idiin ballan qaadayaa in wixii ka soo baxa shirka Dhuusamareeb aan halkan idinkugu keeno,” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa weli ka dhigan in uu weli ku dheggan yahay go’aankiisii ahaa in nooca doorashada Soomaaliya noqdo doorasho Qof iyo Cod ah oo marka xilliga iyo xaalka taagan ay adag tahay qabashadeedu.

Madaxweyne Farmaajo oo qodobbadaas iyo kuwo kaleba kaga hadlaya Khudbadda uu Aqalka hoose ee Baarlamaanka federaalka ka horjeediyey Sabtida maanta, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.