Madaxweyne Biixi Maxkamadda Sare ma u gudbiyey weydiisashada go’aan ka gaadhista Qaabka loo qabanayo doorashada?

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu Sabtida Maanta Maxkamadda sare u gudbiyo Dalab uu ku waydiisanayo inay soo saarto Go’aan suurto-gelin kara in qabsoomidda doorashada Golaha Wakiillada.

Warka ah in Madaxweynuhu uu Maxkamadda sare u gudbinayo Codsi la xidhiidha doorashada ayaa soo baxay, Maalin ka dib markii shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiistii lagu ansixiyey in Maxkamadda sare loo gudbiyo inay go’aan ka soo saarto Arrimaha doorashada.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli Shacabka Reer Awdal ay dalbanayaan in la sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada, haddii kale aanay suurto-gal ahayn inay deegaannadooda Doorashadu ka dhacdo.

Dhammaadkii Toddobaadkii hore ayaa Go’aamo ka soo baxay Shir Boorama uga socday Hal-doorka Bulshada Awdal waxay Beesha Caalamka ugu baaqeen in aanay dhaqaale ku bixin doorasho aan heshiis lagu ahayn.