Champiano: Barcelona Oo Caawa Ku Dhacay Xasuuq Ba’anni Iyo Rejaddii Bayer Munch Oo Toosh Lagu Ifiyey

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Bayern Munich Xasuuqday Barca, Xiddiga Garoonka & Xiddigihii Fashilmay Ee La Ceebeeyay Caawa.Xasuuqii ay Bayern Munich caawa u geysatay Barcelona waxaa la odhan karaa waxay hal gacan ku sii dhigeen koobkoodii lixaad ee Champions League inkastoo ay wadada u taagan yihiin kooxaha sida Manchester City iyo Paris Saint-Germain.

Qaab ciyaareedka ay soo bandhigeen kooxda heysata horyaalka Jarmalka waa mid ay ka argagaxeyso koox walba inkastoo Barcelona ay aad u liidatay. Bayern waxay dhaliyeen 39 gool kaliya sagaal kulan oo ay ciyaareen Champions League xilli ciyaareedkan.

Bayern Munich waa kooxda kaliya ee ku hartay Champions League ee hore u soo qaaday koobka, qaabka ay u ciyaarayaan waa hubaal inay iyagu ugu cadcad yihiin hanashada koobka.

Lix ciyaaryahan oo Bayern Munich ayaa la gudoonsiin karaa xiddiga garoonka ee kulankaan, laakiin Muller ayaa wacdarro aan hore loogu arkin ka dhigay khadka dhexe isagoo kala dhantaalay difaaca iyo khadka dhexe ee Barcelona.Labadiisa gool waxay ahaayeen kuwa aad u fiican tan hore waxay bilow u noqotay xasuuqa halka tiisa labaad ay niyada ka dishay Barcelona.

Maba jiro xiddig la amaani karo qaab ciyaareedkiisa oo Barcelona u dheelay caawa marka laga reebo ciyaartoyda kursiga keydka fadhisay. Laakiin xiddigaha caawa la ceebeeyay ee soo qarwi doona waa Semedo oo ruuxda uu ka siibay Alphonso Davies iyo difaaca dhexe Gerard Pique oo banaanka la soo dhigay in da’da ay ka daba timi.

Xiddigaha kale ee iyagana helay qiimeynta ugu hooseysa waxaa hogaaminaya Lionel Messi oo caawa is-muujin waayay waxaa kula jira De Jong, Roberto, Busquets iyo goolhaye ter Stegen. Intaan ciyaartooy waxaa ka qiimeyn fiican Griezmann iyo Ansu Fati oo bedel ku soo galay ciyaarta.