Sheekh Aadan-Siiro oo Ka Hadlay Iftiinka Aqoonsiga Somaliland iyo Dedaalka looga Baahanyey Dowladda

Hargeysa(aftahannews):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-siira), ayaa sheegay inay Somaliland taagan tahay jid afar gees ah oo kale, isla markaana ay u baahan tahay in lala yimaaddo fikirkii iyo hoggaamintii lagu dhaafin lahaa waddada afar-geeska ah oo dhankay u dhaaftaaba fursad qiimo leh u noqon karto, laakiin ay fursaduhu kala mudan yihiin.

Sheekh Aadan oo Jimcihii Maanta Khudbad ka jeediyey Masjidka uu Khaddiibka ka yahay oo ku yaalla Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay qodobbadaas iyo kuwo kale oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashada iyo xal-ka-gaadhista muranka Saami-qaybsiga ee hortaagan doorashada wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee Somaliland.

Khudbadda Sheekh Aadan-Siira jeediyey oo dheerayd darafyo badan oo muhiim ahna uu kaga hadlay, waxaannu iyadoo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.