Turkiga: “Taariikhda Damiirka Ummadaha gobolku ma ilaawi doono Munaafaqnimada Imaaraadka..”

Ankara (Aftahannews):- Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga, ayaa war ay ka soo saartey heshiiska Isu-tagga Imaaraadka carabta iyo Israel oo ay ku tilmaantay mid munaafaqnimo ah oo Imaraadku ku khiyaamay dadka reer Falastiin ee Israa’iil dhulkooda xoogga ku haysato .

“Taariikhda iyo damiirka ummadaha gobolkan ma ilaawi doonaan waligoodna ma cafin doonaan falkan munaafaqnimada ah ee ay qaaday Imaaraatka Carabtu, kaas oo ku khiyaamaysay Falastiin, iyaga oo raadinaaya danahooda gaarka, si ay Falastiin u dhigaan heer ay is-dhiibaan, ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Dowlada Imaaraatiga iyo Israel ayaa ku dhawaaqay inay gaadheen heshiis ah inay xidhiidh toos ah yeeshaan, labadan maamul ayaa muddo ka badan 10 sanno lahaa xidhiidh qarsoodi ah, balse waa markii ugu horeysay oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan.

Heshiiskan ayaa lagu soo beegay xili Raysalwasaaraha Israil Benjamin Netanyahu ay ku socdaan mudaharaad ay shacabkiisa uga soo horjeedaan musuq-maasuqa xukuumadiisa, halka Madaxweynaha Maraykanka Trump uu isaguna walaac ka qabo ololihiisa doorashada Maraykanka ee dhaceysa bisha Nofember.

Xidhiidhka Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa ah mid aad u xun, sidoo kale Turkiga. Turkiga oo hore xidhiidh kala dhexeeyey Israel ayaa sannadkii 2011 hoos u dhigey xidhiidhkaas, waxaana ay dalkoda ka caydhiyeen safiirkii israel, sidoo kale waxay ahaayeen codka ugu dheer ee ka soo horjeeda boobka Yuhuudu ku hayso dhulka yar ee u hadhey Falastiin.