Wariye Raaligelin Ka Bixiyey Hadal Uu Ka Sheegay Cristiano Ronaldo

Cristiano Ronaldo looma bandhigin Barcelona laakiin kooxda La Liga ka dhisan waxay ka warqabtay kaliya inuu suuqa kala iibsiga yaalo xagaagan,.Xiddiga Juventus ayaa ka tagi kara kooxda Serie A ka dhisan si uu tartan cusub uga raadsado meel kale. Waxaana la sugayaa in la arko waxa ku dhaca mustaqbalkiisa.

Khabiirka La Liga Guillem Balague ayaa shalay sheegay in Ronaldo loo bandhigay Barcelona isagoo yiri: “Sababta Cristiano Ronaldo loola xidhiidhinayay PSG ma ahan in PSG ay ku fekereyso inay hesho“Waxaa u sabab ah wakiilkiisa Jorge Mendes oo lagu amray inuu koox cusub u raadiyo Ronaldo. Waxaan aragnay arintaan lixdii bilood ee ugu danbeysay, waxaa lala xidhiidhiyay Real Madrid.

“Real Madrid waxay yidhi: ‘Ma jirto fursad uu ku soo laaban karo’. Waxaa la hadal hayay horyaalka Mareykanka iyo kuwa kale. Sababtoo Juventus waxay dooneysaa inay mushaharkiisa meel kale isaga yeesho.

“Waa arin sidaa u weyn. Waxaa loo bandhigay meel walba oo ay Barcelona ku jirto. Ma hubo haddii ay Juventus si sahlan isaga diri karaan Ronaldo“Xaqiiqda waxay tahay inuu weli qaato 23kii milyan euro ee uu ka qaadanayay Real Madrid, yaa bixin kara lacagtaas?”

Warbaahinta ayaa si weyn u baahisay warka Balague iyagoo sheegay inay suurtogal tahay in Messi iyo Ronaldo ay hal koox u wada ciyaaraan, laakiin Balague ayaa qirtay inuu qalad sameeyay isagoo sheegay in Barcelona ay kaliya ka warqabtay in Ronaldo uu suuqa yaalo balse aan iyada si toos ah loogu bandhigin saxeexiisa.