Dalalka Afrika Oo Bilaabaya Tijaabada U Adkeysiga Coronavirus

Hargeysa, (Aftahannews)-Toddoba dal oo Afrika ku yaalla ayaa toddobaadka soo socda bilaabi doona tijaabada u adkeysiga, sida ay sheegtay Xarunta Xakameynta iyo Ka hortagga Cudurrada ee Afrika.Tijaabada ayaa qeyb ka ah dadaal lagu doonayo in lagu fahmo xaddiga faafitaanka xanuunka ee gudaha qaaradda.

“Liberia, Sierra Leone, Zambia, Zimbabwe, Cameroon, Nigeria, Morocco ayaa ah dalalka ugu horreeya ee arrintaas sameynaya,” madaxa CDC ee Afrika John Nkengasong ayaa sidaasi ku sheegay hadal uu jeediyay shalay.

Wuxuu intaa ku daray in qaaraddu ay sameysay ilaa 9.4 milyan oo tijaabada coronavirus ah, taas oo u dhow hiigsiga 10-ka milyan.

Dr Nkengasong wuxuu xusay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameysay horumarinta tallaalka.

Qaaradda Afrika ayaa ilaa iyo haatan diiwaan-gelisay 1,084,904 oo kiisaska coronavirus ah, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins.