Ciyaartoydii Ugu Akhlaaqda Xumaa Horyaalka Premier League

Ciyaartoyda kubbada cagta qaar kood ayaa taariikh xun ku sameeya ficiladooda garoonka dhexdiisa waxaana jira kuwo taariikh madow ku gala tirada kaadhadhka digniinta iyo casaanka ah waxaana liiskan ku jira mid ka mid ah ciyaartoydii Premier League oo ciyaaraha kaga fadhiistay isaga oo 32 sanno jir kaliya ah.

Xidigii hore ee Premier League ee Lee Cattermole oo horyaalka Ingiriiska uga soo ciyaaray kooxo badan oo kala duwan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu soo gaba gabeeyay xirfadiisii kubbada cagta isaga oo 32 sanno jir ah.Lee Cattermole waxa uu ka soo ciyaaray kooxo badan oo ay ka mid yihiin Sunderland, Wigan iyo Middlesbrough wuxuuna hadda ka tirsanaa kooxda reer Holland ee VVV Venlo balse waxa uu shaaciyay in uu ciyaaraha kaga fadhiistay 32 sanno jir.

Waxaa jirta taariikh madow oo lagu xusuusto  Lee Cattermole ee horyaalka Premier League kadib markii uu qaatay kaadhad aad u tiro badan oo iskugu jira casaan iyo digniino.Lee Cattermole waxa uu horyaalka Premier League ku soo qaatay 77 kaadh oo digniin ah waxa kale oo u dheer in uu 8 kulan soo qaatay kaadhka cas oo ciyaarta looga saaray qaladaad ama akhlaaq xumo uu ciyaartoy kale ku sameeyay.

Lee Cattermole waxa uu shaaciyay in xirfadiisii kubbada cagta uu soo gaba gabeeyay isaga oo 32 sano jir ah si uu u bilaabo waayo cusub oo ah in uu tababare kubbada cagta ah noqdo.War saxaafadeed uu soo saaray Lee Cattermole  waxa uu ku sheegay in xaalada hadda lagu jiro ee uu muddada badan ugu xayirnaa gurigiisa iyo saamayntii xumayd ee uu caabuqa karoona ku yeeshay kubbada cagta Hollland oo xili ciyaareedkeeda la kansalay waxa uu go’aan ku gaadhay in uu kabaha kubbada cagta siibo.

Lee Cattermole ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay waayihii ciyaareed ee uu soo qaatay balse uu wax ka fiican samayn karayay wuxuuna yidhi: “Waan ku faraxsanahay waayahayga ciyaareed, inkasta oo aan hubo in aan wax ka fiican samayn karayay sidoo kale wax ka xun ayaan samayn karayay”.

“Waxbaan ka baran doonaa waxyaabahaas, waxaanan doonayaa in aan hubaal ka dhigo in aan noqdo tababare ka fiican ciyaartoygii aan ahaa”.

Lee Cattermole oo dareensan in rekoodh iyo taariikh xun uu ku sameeyay waayihiisa ciyaareed dhinaca kaadhadhka casaanka iyo digniinta ah, haddana waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii shaqo badan u soo qabtay kooxihii kala duwanaa ee uu Premier Leauge uga soo ciyaaray.