Hanjabaadaha Ka Dhanka Ah R/Wasaaraha Canada Oo Sare U Kacay

Tirada hanjabaadaha loo jeedinayo rai’sul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa sare u kacay marka loo barbardhigo isla waqtigan sanadkii aanu.Arrintan ayay micnaheedu tahay in hanjabaadaha ay sare u kaceen 100 jeer marka loo barbar dhigo isla waqtigan sannadkii 2019.Warbixinta ay soo saareen booliiska Canada ayaa ka dambeeysay ka dib markii ay dhaceen dhowr dhacdo oo dhanka ammaanka ah kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil ka tirsan dowladda fedaraalka Canada.Bishii July, dad looga shakisan yahay inay hubaysnaayeen ayaa la xidhay ka dib markii ay ku soo xadgudbeen albaabka laga galo dhismaha uu ku nool yahya Mr Trudeau.Markii ay dhacdadani ay dhaceysay rai’sul wasaaraha kuma uusan sugnayn goobtaasi.

Mr Trudeau iyo qoyskiisa ayaa imika ku nool dhisma ku yaalla goobta lagu magacaabo Rideau Hall estate, maadaama goobtii uu sida rasmiga ah u daganaa imika dayactir lagu wado.Dhacdooyiinka kale ee dhacay waxaa ka mid ah isku day weerar oo loo gaystay barasaab General Julie Payette – oo isla dhismaha uu Mr Trudeau, dagan yahay ku nool.

Waxaa sidoo kale la isku dayay in la weeraro wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha Catherine McKenna.Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa la arkayay nin aflagaadeynaya islamarkana habaaraya Ms McKenna iyo Mr Trudeau .MPP Lisa MacLeod oo iyaduna ka tirsan golaha wasiirada ayaa lagu qasbay in booliiska ay ilaalo gaar ah ka hayaan ka dib markii ay heshay Emailo hanjabaado ah.Daniel Brien, oo ah afhayeen u hadlay booliiska ayaa u sheegay wargeyska Toronto Star in booliiska aysan faahfaahin ka bixinayn nooca hanjabaadaha ay ku dabajira

Warbixin kale oo uu soo saaray machadka istaraatijiyada wadaxaajoodyada ee loo soo gaabiyo (ISD), ayaa waxaa lagu sheegay in dhiilooyiinka looga soo horjeedo dowlada gaar ahaan Mr Trudeau – “ay yihiin kuwa aad u sareeya.Mowduucyada ay barahooda ku qoraan kooxaha xagjirinta midig fog ayaa waxaa lagu qoraa hadalo ka dhan ah islaamka iyo Yahuud naceybka.Magaca Justin Trudeau ayaa 11.4% lagu xusay qoraalo ay barta facebook soo dhigeen kooxaha xagjirka ah, halka barta Youtube lagu xusay 28%.

Kooxahan midigta fog ayaa waxa ay ka soo horjeedaan shuruucda socdaalka ee ay ansixisay dowlada garabka bidix ee Mr Trudeau.