Muxuu Madaxweyne Farmaajo u Sheegi doonaa Golaha Shacabka?

Muqdisho (Aftahannews)- War qoraal ah oo kooban oo kasoo baxay gollaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa lagu wargeliyay xildhibaanada in berito uu madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo warbixin siin doona gollaha.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo BBC-da u xaqiijiyay lullanka baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynaha uu warbixin siin doonaa baarlamaanka.

Inkastoo aanan si fahfaahsan loo ogeyn waxa uu madaxweynaha ka sheegi doona baarlamaanka haddana waxaa la aaminsan yahay inay ku qotonta arrimaha hadda taagan oo ay kamid tahay nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonta.

“Waa tii uu madaxweynaha horay u ballan qaaday in marka uu soo laabto baralamaanka warbixin siin doona, waxayna ku saleysan tahay xaaladda doorashada dalka “ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlay BBC-da.

Madaxweyne Farmaajo ayaa gabagabeda shirka Dhusamareeb ka sheegay in is-faham wa’ dhanka doorahsada uu u dhaxeeyo maamul goboleedyada oo uu sheegay inay doonayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban oo wakhtigeeda ku dhacda halka gudidga doorashada iyo baarlamaanka oo isku dhinac ahna ay doonayaan in doorasho qof iyo cod ah lagu soo doorto madaxda xigta.

Farmaajo ayaa horay u sheegay in isaga uu yahay ilaaliyaha sharciga, kana shaqeyn doona sidii wax lamisugu waafaqi lahaa.

“Xildhibanaada iyo shuruucda la meelmariyay sida laga yeeli lahaa iyo duruufta jirta ayay arrinta taagan tahay hadda, anniga waxaa iga aadan waxay tahay in aan isu soo noqono oo qofwalba uu ku noqdo meeshii uu ka yimid oo wadatashi ugu noqdo, anigu waxaan dib ugu noqonayaa baarlamaanka, waxaana kusoo wargelinayaa wixii aan ku sheekeysanay, waana isu soo noqoneynaa”, ayuu madaxweyne Farmaajo ka sheegay gabagabada shirkii Dhusamareeb.

Beritta oo ay taariikhda ku began tahay 15-ka bisha Agost ayaa loo ballansanaa in la isugu tago magaalada Dhusamareeb, haseyeeshee dad ku sugan magaalada Dhusamareeb waxay BBC-da u sheegeen in aysan muuqanin qabanqaabada qabsoomidda shirka.