Qorsho Xasan, Maxay ku Muteysatay inay noqoto Macallinka ugu wacan Minnesota?

QORSHO XASAN
QORSHO XASAN

Minnesota(aftahannews):- Qorsho Xasan oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka, ayaa ku guulaysatay abaalmarinta maclinka sannadka ee magaalada Minnesota.

QORSHO XASAN
QORSHO XASAN

Qorsho oo Macllimad ka ah iskuulka hoose ee Gideon Pond ayaa waxaa lag soo dhex xulay 134 maclin oo u tartamayay maclinka sanadka ee magaaalada Minnesota .

Qorsho Xasan oo BBC uga warantay guusha ay gaartay ayaa waxay sheegtya inay ku faraxsan tahay inay noqoto macallinka sanadka ee magaalada Minnesota. “Waxaan ku faraxsanahay inaan noqdo Minnesota macallinka ugu wanaagsan,” ayay tiri.

Qorsho Xasan aya sheegtay xilligii caruurnimadeeda aysan jeclaan jirin xirfadda maclinnimada xilligaasina ay ku adkeyd waxbarshada. “Markaan yaraa macllinnimada ma aanan jeclayn, waxbarshada way igu adkeyd maadaama aan Ingriis baranayay,” ayay tiri Mrs Qorshe.

Waxay intaa ku dartay in xilligii ay iskuulka dhiganaysay ay la soo kulantay caqabado badan oo ay ka mid tahay in aysan gacan ka heli jirin maclimiinta oo ay sheegtay inay u arkayeen in aysan la dhaqan ahayn.

“Ma arkin macaallin aniga ii eg oo i soo saara, macallimiin badan oo caddaan ah ayaan arkayay oo wali si kale iila dhaqmi jiray maadaama ay ii arkayeen inaan xijaab xiranahay,” ayay tiri.

Sidee ku timid guusheeda?

Qorsho Xasan ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay loo soo xulay inay ka qeybgasho tartanka macallinka ugu wanaagsan sanadka ee magaaalada Minnesota.

Waxay intaa ku dartay in maamulka iskuulka ay macallinka ka tahay ay u arkayeen inay tahay qof isbadal sameyn kara.

Qorsho Xasan ayaa xustay in ay muujisay karti islamarkana loo arkayay qof ay u siman yihiin caruurta kala duwan ee iskuulka.

” Sanadkii la soo dhaafay waxaa la ii soo xushay macallinka ugu wanaagsan sanadka ee Magaalada Minnesota,macllimiinta aan la shaqeeyo iyo maamulaha iskuulka Gideon Pond ayaa waxay ii arkeen macalin soo saarta ilmaha oo dhan oo aan gooni u ahayn ilmaha Soomaaliyeed, waxayna ii arkeen macallin wax badali karta,” ayay tiri Qorsho Xasan.

Guusha Soomaali oo dhan ayaa heshay:-

Qorsho Xasan maclimadda sanadka ee magaalada Magaalada Minnesota ayaa waxay sheegtay inay ahayd mid aysan filanayn inay ku guulaysato macallinka sanadka.

Waxay intaa ku dartay in marka la eego da’deeda ay ahayd guushan mid lama filaan ah. “Isma lahayn inaan noqnayo macalinka ugu wanaagsan ee Magaalada Minnesota, sababtoo ah waan da’a yarahay,”

Qorsho ayaa farta ku fiiqday in guusha ay gaartay ay tahay mid u soo hoyatay dhammaan Soomaalida. “Maadaama aan hadda helay waan ku farxay, waxaan is dhahay guushan Soomaali oo dhan ayaa heshay” ayay tiri.

Tiiriikh kooban:-

Qorsho xasan ayaa waxay ku dhalatay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada New Orleans ee gobolka Louisiana islamarkana halkaas ayay ku barbaartay.

Waxbarashadeedii iskuulka waxay ku soo qaadatay gobolada Atalanta Georgia iyo Ohio.

Qorsho xasan ayaa markii ay dugsiga sare dhameysay ku biirtay jaamacadda Ohio State University oo ay ka baratay culuumta arrimaha bulshada.

Abaalmarinta macalinka ugu wanaagsan sanadka ee Magaalada Minnesota ayaa ah mid sanadle ah islamarkana waxaa bixiya xafiiska waxbarshada ee Minnesota

Qorsho Xasan ayaa noqonaysa qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo ku guulaysta abaalmarinta macalinka ugu wanaagsan sanadka ee Magaalada Minnesota.

Xigasho BBCSomali.