Kooxaha Barcelona Iyo Bayern Munich Oo Xasuuqay Chelsea Iyo Napoli

Kooxda Barcelona ayaa cashar ugu dhigtay gurigeeda Camp Nou kooxda Napoli iyagoo ku garaacay 3-1 ah lugtii labaad ee wareega 16ka Champions League taasoo ka dhigan inay wadar ahaan labada lug kooxda Barca ay ku garaacday Napoli 4-2.

Cabsi badan ayaa laga qabay kulankaan ka dib markii ay lugtii hore ee ka dhacday San Paolo ay ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah, laakiin tababare Setien ayaa shaqadiisa badbaadsaday iyadoo Blaugrana ay iska xaadirisay wareega 8da dhamaadka oo ay isku balansan yihiin Bayern Munich oo iyagana ka soo gudubtay Chelsea.

Bilowgii ciyaarta Napoli ayaa ka naxsatay Barcelona iyagoo birta u garaacay, laakiin kooxda Azulgrana ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 10aad markii koorno uu soo qaaday Ivan Rakitic uu madaxa ku dhaliyay difaaca dhexe Lenglet.

Dhinac kale, Bayern Munich ayaa sidii la filayay iska xaadirsay wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay 4-1 uga badiyeen Chelsea iyagoo wadar ahaan ku garaacay Blues 7-1 madaama ay 3-0 ku soo badiyeen lugtii hore ee Stamford Bridge.

Kooxda Bayern Munich ayaa wareega sideed dhamaadka ku balansatay Barcelona oo iyagana ka soo talaabsanaya Napoli kulanka caawa.

Robert Lewandowski ayaa rikoodh dhigay isagoo noqday xiddigii ugu horeeyay ee Bayern Munich ee 13 gool ka dhaliya hal ciyaareed Champions League isaga ayaana hogaaminaya gooldhalinta Champions League.