Guuldarraddii Xalay Oo Juvantus U Bedelay Magacaabidda Tababare Cusub

Maalmo ka dib markii Andrea Pirlo loo magcaaabay tababaraha kooxda U23 ee Juventus, waxaa haatan si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha kooxda koowaad ee Juventus isagoo bedelay Maurizio Sarri oo maanta la ceyriyay.Juventus ayaa si rasmi ah u shaacisay haatan in Pirlo uu yahay tababarahooda cusub isagoo saxiixay qandaraas dhacaya bisha Juun 2022. Sarri ayaa la ceyriyay maanta saacado ka dib markii Juventus ay ku hartay wareega 16ka Champions League iyagoo ku baxay gacmaha kooxda Olympique Lyonnais.Sarri wuxuu u qaaday Juventus koobkoodii sagaalaad ee isku xiga ee horyaalka Serie A laakiin wuxuu ku guuldareystay Coppa Italia iyo Italian Super Cup.

Tababaraha cusub Andrea Pirlo ma ahan tababare khibrad leh, iyadoo maalmo ka hor loo magacaabay tababaraha kooxda Juventus ee da’dooda ka yartay 23 jirada kuwaasoo ka ciyaara horyaalka heerka seddexaad ee Talyaaniga.

Si kastaba, markii shaqadaas loo dhiibayay madaxweynmaha kooxda Andrea Agnelli iyo agaasime Fabio Paratici ayaa sheegay inay u arkaan inuu yahay ninkii mustaqbalka hogaamin lahaa kooxda koowaad.

Haatan go’aankaas ayaa la soo dedejiyay markii ay Juventus ku hartay wareega 16ka ee Champions League.

Agnelli ayaa u arka Pirlo inuu raacayo wadadii Zinedine Zidane ee Real Madrid, hal abuure khadka dhexe oo aragta fog u leh ciyaarta kaasoo xiriir fiican iyo ixtiraamba ka helaya ciyaartoyda kooxda.

Pirlo waxa uu ku guuleystay Koobka Adduunka sannadkii 2006, wuxuu dhowr Champions League iyo horyaalka Serie A la qaaday kooxaha Milan iyo Juventus.