Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Is Bedelka Ku Yimi Xidhiidhka Beesha Caalamka

Hargeysa, (Aftahannews)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay aragtideeda ku waajahan doodda la sheegay in Golaha Wasiirrada Kenya ka doodi doonaan aqoonsiga Somaliland, waxayna xustay inay Caalamka xaqa ugu leedahay aqoonsi caalamiya inay ka hesho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Kenya waa dal aynu jaar nahay, waa dad aynu xidhiidh dhinacayo badan leh leenahay, weftiyo culus ayey marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si leeg weftiyo ayeynu u dirnay, markaas inaynu xidhiidhkeena iyo iskaashiga aynu leenahayna weynu sii adkaynaynaa, haddii ay qadiyaddeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya, Waddamada aynu jaarka nahay iyo Caalamkaba inay inay ka marag kacaan qaranimadeena iyo dawladnimadeena oo ay aqoonsiga aynu xaqa u leenahay ina siyaan ayeynu ka rabnaa”.

Mar uu ka hadlayey is beddelka ku yimid xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa wuxuu yidhi “Xidhiidh fiican baynu leenahay Waddamada kale ee Caalamka, markaas mar walba diyaar ayaanu u nahay in xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka sii laba jibaarno, maxaa yeelay waxaynu nahay dal jira oo jiri doona haddii Allaah yidhaahdo, waxaynu nahay dal leh wax walba oo dal iyo dawladnimo looga baahan yahay, shuruudihii dal madax banaan looga baahnaana weynu buuxinay, sidaas darteed halgan waxaynu ugu jirnaa sidii aynu aqoonsi caalamiya u heli lahayn, iskaashigeena Diblamaasiyadeedna u sii balaadhin lahayn, ee Shacabkeena reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan ku dhiirigelinayaa inay dalkooda ogaadaan, oo noqdaan muwaadiniin qaranimadooda meel kasta ku soo bandhiga, waxaan ku dhiirigelinayaa inay isku duubnadaan oo qarankooda meel uga soo wada jeestaan”

Xigasho Wargeyska Geeska.