Qaramada Midoobay oo Warbixin Ka Soo Saartay Tirada Dadka Ku Baracay Fatahaadaha Webiyada Soomaaliya

Dadka Ku Baracay Fatahaadaha Webiyada Soomaaliya 2020
Dadka Ku Baracay Fatahaadaha Webiyada Soomaaliya 2020

Somalia(Aftahannews):- In kabadan 150,000 (Boqol iyo Konton kun) oo Qof oo Soomaali ah, ayaa ku qasbanaaday inay ka cararaan guryahooda ilaa dabayaaqadii bishii 6aad, oo ay ku jiraan ilaa 23,000 usbuucii la soo dhaafay oo kali ah, kadib daadad iyo fatahaado ku dhuftay gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Dadka Ku Baracay Fatahaadaha Webiyada Soomaaliya 2020
Dadka Ku Baracay Fatahaadaha Webiyada Soomaaliya 2020

Qiimeyn deg-deg ah oo ay sameysay hay’adda UNHCR ayaa muujineysa in bulshooyinka Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ay ka mid yihiin kuwa ugu daran. Warbixintu waxay sheegaysaa in dad badan ay halis ugu jiraan in ay barakacaan maaddaama daadadku u muuqdaan inay ku sii socon doonaan gobollada qaarkood.

Sida lagu sheegay qiimayntii ugu dambeysay ee ay soo saartay Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay, heerarka biyaha wabiga Shabeelle ayaa sii socon doona roobka dartiis.

UNHCR waxay sheegtay in taageero deg deg ah looga baahan yahay bulshada caalamka si loo taageero dadaalada gargaarka. UNHCR ilaa iyo hadda waxay heshay kaliya 33 boqolkiiba USD154.4 milyan ee loo baahan yahay dadaalkeeda samafalka ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin qiyaastii 2.6 milyan oo barokacayaal iyo 30,000 oo qaxooti magangalyo-doon ah.