Somalia: Xildhibaanno is-hortaagay ka Doodista Xeer ay Sheegeen inuu Anshax-darro Xambaarsan yahay

Muqdisho(aftahannews):- Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa fadhigoodii maanta is-hortaagay Xeer ay sheegeen inuu anshax-darro Diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ka dhan ah xambaarsan yahay.

Xeerka ay is-hortaageen ee ay maanta Xildhibaannadu diideen in xataa laga doodo, ayaa ah Xeerka Kufsiga oo ka mid ah Xeerarka Ajandaha Kalfadhiga dhawaan furmay ee Golahaas horyaalla.

Hase-yeeshee, Xildhibaanno Fadhiga maanta ka hadlay, ayaa soo jeediyey inaan la guda-gelin doodda Xeerkaas, maaddaama oo uu Diinta Islaamka iyo dhaqanka Bulshada ka hor-imanayo, sida ay ku doodeen Mudanayaasha hadlay.

Haddaba, Xildhibaannada Fadhigii golahaas ee Sabtida maanta ka hadlay Xeerkaas ee soo jeediyey inaan lagaba doodin Xeerkaas iyo sida ay u naqdiyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.