Muqdisho: Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca uu Sababay Qarax lagu Weeraray Xero Millateri

QARAX LAGU WEERARAY XERO MILLATERI OO MUQDISHO KU TAALLA 2020
QARAX LAGU WEERARAY XERO MILLATERI OO MUQDISHO KU TAALLA 2020

Muqdisho(aftahannews):- Ugu yaraan 9 Qof oo 8 ka mid ahi Askar yihiin, ayaa ku dhintay, 20 Ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa Sabtida maanta lagu weeraray Xero Millateri oo u dhaw garoonka Kubbadda cagta ee Istadium Muqdisho.

QARAX LAGU WEERARAY XERO MILLATERI OO MUQDISHO KU TAALLA 2020
QARAX LAGU WEERARAY XERO MILLATERI OO MUQDISHO KU TAALLA 2020

Saraakiil ka tirsan Millateriga Soomaaliya, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in qarraxa lala eegtay xarun ay guutada 12-ka April ku lee yihiin degmada Wardhiigleey. Khasaaraha ayaa laga cabsi qabaa inuu ka bato inta hadda la xaqiijiyay.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday qof is-miidaamiyay.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in gaariga uu ku qarxay illinka hore ee xerada laga galo. Xerada weerarka lagu qaaday ayaa waxaa deganaa qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Kooxda Al Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarraxa. Wali ma cadda in qaraxa ay waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah iyo in kale, sida ay ku warrantay laanta Afka Soomaaliga ee VOA oo aannu warkan ka soo xigannay.