Kooxaha Real Iyo Juventus Oo Laga Cidhib-tiray Champion League

Filed under: Wararka |

Manchester City ayaa u soo baxday siddeed dhamaadka tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League kadib markii ay tartankan ka cidhibtirtay kooxda ugu taariikhda wayn UCL ee Real Madrid.

Manchester City ayaa awooday in ay marti iyo minanba ku garaacdo kooxda Zidane ee Real Madrid iyada oo Sky Blues guuldaro kale u xambaarisay Real Madrid.

Raheem Sterling ayaa dhaliyay goolka furitaanka Man City ee Real Madrid xaalada ku sii xumeeyay laakiin intii ayna aybtii hore dhamaan waxaa barbareeyay Karim Benzema balse qalad labaad oo uu sameeyay Varane ayaa Gabriel Jesus ka caawiyay in uu dhaliyo goolka labaad ee Man City.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Man City guuldaro kale ku baday Real Madrid waxayna City awooday in ay marti iyo minanba ku garaacday Madrid iyada oo City xaqiijisatay booskeeda siddeed dhamaadka Champions League.

Dhinac kale. Kulan dhexmaray kooxaha Juventus iyo Lyon ayaa ku soo dhammaaday 2 – 2, Siddaanna waxa champion-ka ku timi kooxda Lyon 

You must be logged in to post a comment Login