Godka la Hilmaamay ee laga Qoday Macdanta laga Sameeyo Nukliyeerka

Hargeysa (Aftahannews)- Doorka ay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo ku lahayd sameyntii bambooyinkii lagu dhuftay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki, waxaa la qarinayay oo sir ayey ahayd, muddo tobannaan sano ah, laakiin dhaxalka laga helay ku lug lahaanshaheedii ayaa ilaa maanta la dareemayaa.

“Erayga Shinkolobwe wuxuu igu abuuraa murug iyo boholyoow,” ayey tidhi Susan William, oo ah taariikh-yahan ku sugan Machadka UK ee Barashada Culuumta Dalalka Barwaaqa Sooranka ah”Ma ahan eray farxad leh, waa mid isoo xasuusiya musiibo iyo dhib weyn.”

Dad yar ayaa garanaya waxa ama xitaa meesha, uu ku yaallo Shinkolobwe. Laakiin godkan yar oo macdanta laga qodo, oo ku yaalla gobolka Katanga ee koonfurta Jamhuuriyadda Congo. Wuxuuna qeyb ka noqday mid ka mid ah dhacdooyinkii musiibada ugu weyn sababay ee taariikhda soo maray.

Magaalada Hiroshima ee dalka Japan, oo ku taalla meel u jirta masaafe ka badan 7,500 oo meyl, ayaa 6-da bisha August lagu xasuustaa wixii ka dhacay halkaas 75 sanno ka hor, xilligaas oo bamkii atoomigga ahaa ee lagu burburiyay magaaladaas.

Mas’uuliyiin iyo dadkii ka badbaaday musiibadaas ayaa isugu imaan doona xasuusta dadkii ku geeriyooday shucaacii uu dhaliyay qaraxaas nukliyerka ahaa.

Kumannaan ruux oo gacanta ku wada sita ubaxyo muujinaya nabad ayaa ka gudbi doona wabiga Motoyasu. Saddex maalmood kaddibna, munaasabad taas la mid ah ayaa lagu qaban doonaa magaalada Nagasaki.

Munaasabad noocaas ah kama dhacayso Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo (DRC). Haddana sidaas oo ay tahay, labada waddanba waxaa mideynaya taariikhda bamka atoomigga ahaa, taas oo saameynteeda la dareemo illaa maanta.

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.