Taiwan oo Sheegtay inay Somaliland Ka Taageerayso ilaalinta Xeebaha

TAIWAN cOUST GUARD
TAIWAN cOUST GUARD

Hargeysa(Aftahannews):- Wasaaradda Gaashaan-dhigga dalka Taiwan, ayaa sheegtay in ka taageerayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland qorshaha ilaalinta Xeebaha Somalilnd.

TAIWAN cOUST GUARD
TAIWAN cOUST GUARD

Warkan oo ayaannu ka soo xigannay qoraal Wasaaaradda Gaashaandhigga dawladda Taiwan  shalay ku baahisay Twitterkeeda, kaas oo ay ku caddaysay inay Somaliland ka saacidayso ilaalinta ammaanka Xeebaha Somaliland.

Dawladda Taiwan, waxa ay sidaasi ka ku shaacisay xaflad Salaasadii Toddobaadkan lagu soo bandhigayey Markab noociisu ku cusub yahay dalkaas oo ah kuwa dagaalka ee xambaara miinooyinka oo qaybo badan oo ka mid ah la dhammaystiray, isla markaana lagu wado inuu dhammaystirmo dabayaaqada sannadkan 2020-ka.

Markabkan oo dhererkiisu yahay 41 mitir, waxa uu qaadi doonaa saanad dhan 347 tan. Waxaana Wasaaradda Gaashaandhigga Taiwan xustay in loogu talogalay inuu ka hortago wixii khatar ku ah dalkooda oo lagu qalabeeyey qumbulado loogu talogalay.

Taiwan launches first ‘fast minelayer' for RoCN
Taiwan launches first ‘fast minelayer’ for RoCN
TAIWAN NEW cuas guard corvette
TAIWAN NEW cuas guard corvette
SOMALILAND AND TAIWAN 2020
SOMALILAND AND TAIWAN 2020

Istaageersigan, ayaa ka dhashay iskaashiga iyo wax wada-qabsiga ay yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, iyadoo labada dal ay isdhaafsadeen laba Safaaradood, isla markaana ay iska kaashan doonaan mashaariic la xidhiidha Ganacsiga, Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha iyo Kalluumaysiga.

Somaliland, ayaa leh xeeb dheer, waxaanay xad-badeed la wadaagtaa dalalka Somaliland, Djibouti iyo Yemen, waxaanay leedahay Ciidammada ilaalada Xeebaha oo si wacan u hawlgala, waloow aanay lahayn Maraakiib ciidan iyo kuwo dagaal toona, hayeeshee waxay leedahay Doonyo dheereeya oo ay ku hawlgalaan Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland.

Hadalkan ka soo yeedhay Dowladda Taiwan, ayaa ku soo beegmaya toddobaadyo ka dib, markii ay ciidammada ilaalada Xeebaha Shiinaha iyo Maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan gacanka Cadmeed ee Xeebaha Somaliland kulaalayaa sameeyeen dhoolla-tus, wax yar uun ka dib markii ay Somaliland iyo Taiwan Xafiisyo diblamaasiyadeed is-weydaarsadeen, waxaanu u muuqdaa hadalkan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Taiwan in uu jawaab u yahay dhaqdhaqaaqaas China.

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

.