Doorashada Mareykanka ee 2020: Trump iyo Biden Midkee ku horreeya Saadaasha guusha?

BIDEN AND TRUMP 2020
BIDEN AND TRUMP 2020

USA(aftahannews):- Shacabka Mareykanka ayaa 3-da bisha November ee sannadkan go’aan ka gaadhi doona in Donald Trump uu muddo afar sano ah oo kale kusii sugnaan doono xafiiska madaxweynaha ee Aqalka Cad iyo inkale.

BIDEN AND TRUMP 2020
BIDEN AND TRUMP 2020

Madaxweynaha kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa loollan adag kala kulmaya musharraxa xisbiga Dimuqraaddiga ee lagu magacaabo Joe Biden, kaasoo ahaa madaxweyne ku xigeenkii Barack Obama, laakiin siyaasadda Mareykanka kusoo dhex jiray tan iyo 1970-meeyadii.

Iyadoo ay maalinta doorashada soo dhawaaneyso, ayey shirkadaha saadaasha codbixinta sameeya isku dayayaan inay siyaasaan waxa ay shacabka go’aansan doonaan, iyagoo dadka weydiinaya labada siyaasi midka ay doorbidayaan.

Haddaba, waxaan isbarbardhig ku sameyn doonnaa sida ay codadka la saadaaliyey u kala heli karaan amma u kala heleen ee ka bogasho habboon:-

Section divider

Waa sidee xaaladda Musharraxiinta Madaxweynaha ee ee Maraykanku?

Codadka laga dhiibto goobaha codbixinta ee Qaranka ayaa door weyn ka ciyaari kara in la ogaado musharraxa ay dadku doorbidayaan. Laakiin ma aha sida ugu fiican ee lagu saadaalin karo natiijada kama dambeysta ah ee doorashada.

Tusaale ahaan, sanadkii 2016-kii, Hillary Clinton ayaa dhinaca codbixinta ku horreysay, waxayna ku dhawaad saddex milyan oo cod ku hoggaamineysay Donald Trump.

Balse sidaasoo ay tahayna way ku guul darreysatay doorashada, sababtoo ah Mareykanku wuxuu isticmaalaa hab gaar ah oo lagu qiimeeyo doorshada, codad aad ku horreysayna kuuma suurtagalin karaan inaad madaxweyne noqotid.

Markii dhankaas laga hadlayo, Joe Biden wuxuu saadaasha codadka uga horreeyay Donald Trump inta badan sannadkan socda.

Dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay way sii xoogeysatay saadaasha guusha Biden, wuxuuna ku horreeyay 50%, laakiin Trump ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo kabanayay.

Chart showing how Donald Trump and Joe Biden are doing in the national polls. As of 5 August, Biden was on 48% while Trump was on 42%

2016-kii, saadaasha codbixinta sida ay hadda tahay uma caddeyn, qiyaas yar unbaana kala saareysay Mr Trump iyo Musharraxii xilligaas la tartamayay oo ah Hillary Clinton.

Haddase Biden ayaa aad uga horreeya madaxweyne Trump.

Section divider

Waa kuwee gobollada go’aanka ka gaari kara doorashada?

Sida ay ay Mrs Clinton ogaatay sanadkii 2016-kii, tirada codadka ee aad heshay waxaa ka muhiimsan meelaha aad ku heshay.

Inta badan gobolladu waxay u codeeyaan siyaabo isku mid ah, taasoo ka dhigan in dhowr gobol oo kaliya ay sabab u noqon karaan musharraxa guuleysanaya.

Meelahan waa kuwa horseedi kara guusha iyo guul darrada doorashada, waxaana loo yaqaannaa gobollada saldhigga u ah dagaalka tooska ah.

Habka codeynta ee uu isticmaalo Mareykanka ayaa ah in gobol walba loo qoondeeyo tiro codad ah oo ku xiran tirada shacabkiisa.

Isku darka 538 cod ayaa gobolka laga soo bandhigayaa, musharraxana wuxuu u baahan yahay inuu helo 270, si uu u guuleysto.

Hase yeeshee qaar ka mid ah gobollada ayaa la siiyaa tiro aad uga badan midda caadiga ah. Sidaas darteedna musharraxiintu waxay ol’ole waqti dheer socda ka sameeyaan gobolladaas.

Gobollada lagu dagaallamo codbixintooda, guushana horseedi kara waa:

  • Arzona
  • Florida
  • Georgia
  • Iowa
  • Michigan
  • Minnesota
  • Nevada
  • New Hampshire
  • North Carolina
  • Ohio
  • Pennsylvania
  • Texas
  • Viginia
  • Wisconsin
Section divider

Yaa ku horreeya gobollada lagu dagaallamo?

Waqtixaadirkan, codbixinta gobollada lagu dagaallamo waxaa heer fiican ka jooga Joe Biden, laakiin xaaladdu fari kama qodna, wax walbana waxay isu baddali karaan si deg deg ah, gaar ahaan marka uu meesha ku jiro Donald Trump.

Saadaasha ilaa hadda la sameeyay waxay muujineysaa in Mr Biden uu hoggaaminayo gobollada kala ah Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin – waana saddex gobol oo warshado leh, kuwaasoo ninka kasoo horjeeda uu guulo kasoo hoyiyay sanadkii 2016-kii.

Sawirka hoose wuxuu muujinayaa sida ay labada musharrax ugu kala horreeyaan gobollada muhiimka ah iyo sida ay ahayd natiijadii doorashadii 2016-kii.

Table showing the latest polling averages for Donald Trump and Joe Biden in key states. Biden leads in most of them at the moment

Dadka ku xeel dheer arrimahan wali gabi ahaanba meesha kama saarayaan guul uu Trump kasoo hoyiyo doorashada soo socota.

Qaarkood waxay saadaalinayaan in uu heysto fursad aad u yar oo uu ku hanan karo guusha doorashada dhici doonta 3-da bisha November.

Section divider

Coronavirus ma saameeyay tirada Trump?

Fayraska coronavirus wuxuu si weyn u qabsaday hadalheynta warbaahinta Mareykanka tan iyo billowgii sannadkan. Jawaabta laga bixiyay ficillada uu madaxweyne Trump sameeyay ayaa kala qeybiyay fikirka siyaasiyiinta xisbiga iyo taageerayaashoodaba.

Laakiin taageerada loo hayo madaxweynaha ayaa sare u kacday bartamihii bishii March, kaddib markii uu ku dhawaaqay adeeg qaran oo deg deg ah, sidoo kalena uu lacag $50 bilyan oo doolar ah u qoondeeyay gobollada, si ay ugu maareeyaan fayraska fidayay.

Tallaabadaas kaddib, 55% ka mid ah shacabka Mareykanka waxay taageereen ficilka uu sameeyay madaxweynaha, sida lagu muujiyay qiimeyn ay sameysay hay’adda Ipsos, oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee wax saadaaliya.

Laakiin taageero kasta oo uu ka heystay garabka dimuqraaddiga meesha way ka baxday xilligaas wixii ka dambeeyay, halka xisbiga Jamhuuriguna ay sii wadeen taageerada madaxweynahooda.

Section divider

Maku kalsoonaan karnaa saadaasha?

Way sahlan tahay in gaashaanka lagu dhufto saadaasha, iyadoo tusaale loo soo qaadanayo sida ay ugu khaldameen saadaashii ay shirkadaha sameeyeen xilligii doorashii 2016-kii. Madaxweyne Donald Trump mar walba sidaas ayuu u dhaliilaa saadaalinta. Laakiin gabi ahaanba run ma aha.

Inta badan saadaashii qaran ee la sameeyay afar sano ka hor waxay muujisay in Hillary Clinton ay ku horreysay gobollada qaar, laakiin taasi micnaheeda ma aha inay ku khaldameen, maadaama ay ku guuleysatay codadka 3 milyan ka badan kuwii uu helay musharraxa kasoo horjeeday.

Codbixinta doorashadii 2016-kii waxay la kulantay cillado farsamo – gobollada ugu muhiimsan qaarkoodna goor dambe ayaa la ogaaday in uu ku guuleystay Mr Trump. Inta badan hay’adaha saadaasha sameeya wax saxeen cilladahaas hadda.

Laakiin sannadkan, wax walba si sax ah looma hubo sababo la xiriira cudurka safmarka ah iyo saameynta uu ku yeeshay dhaqaalaha iyo qaabka ay dadka u codeyn doonaan bisha November.

Xigasho bbcsomali.com.