Diyaaradda Air India oo Burburtay iyadoo sidda 191 Qof oo Rakaab ah

Filed under: Wararka |

Kerala(aftahannews):- Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Air Indian Express, oo ay la socdeen 191 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Calicut, oo ku yaalla Kerala ee koonfurta dalkaas, sida ay saraakiil sheegeen.

AIR INDIA WAS crash

AIR INDIA WAS crash

Mas’uuliyiinta waaxda duulista hawada ee Hindiya ayaa sheegay in diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Dubai, ay cagaha la weysay waddada ay ku cararaan diyaaradaha, kaddibna ay u kala go’day labo qeybood.

PTI07-08-2020_000238B

Howlgal badbaadin ah ayaa hadda socda, waxaana goobta gaaray shaqaalaha gurmadka degdegga ah. Ugu yaraan labo ruux, oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda, ayaa geeriyooday, sida ay dad xog-ogaal ah u sheegeen BBC-da.

Rakaab kale oo badan ayaa dhaawacmay, sida aan kasoo xigannay afhayeen u hadlay shirkadda leh diyaaraddaas. Maamulka diyaaradda ayaa sheegay in tirada rakaabka ay ahayd 184 ruux oo ay ku jiraan 10 carruur ah iyo lix shaqaalaha diyaaradda ah, ayna ka mid yihiin labo duuliye. 

Duullimaadka ayuu lambarkiisa ahaa IX-1344. Garoonka Calicut wuxuu ka mid yahay kuwa ugu waaweyn ee ku yaalla gobolka Kerala, duullimaadyada ugu badan ee caalamiga ahna ay kasoo dagaan.

A map showing where Kerala is in India
Qoraalka sawirka,Duullimaadyo badan oo ka dagaya Garoonka Calicut

Agaasimaha guud ee laanta duulista hawada (DGCA) ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhacday haro biyo ah, kaddib markii ay ka gudubtay laamiga garoonka.

Musiibadan ayaa dhacday abaare 19:00 waqtiga maxalliga ah, xilli uu roob culus ka da’ayay gobolkaas. Daadab ka dhashay roobabka ayaa Hindiya ka socday muddooyinkii lasoo dhaafay oo lagu guda jiray xilli roobaadka.

Bishii May ee sanadkii 2010-kii, 158 ruux ayaa ku geeriyootay diyaaradda Air India oo ku burburtay garoonka gobolka Mangalore.

bbcsomali.com.

You must be logged in to post a comment Login