Halista daynta loo adeegsado dabinka diblomaasiyadda

Weriye Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Dalka Shiinuhu waxa uu xariif ku yahay sidii uu lacagaha daynta ah ee uu siiyo dalalka caalamka, gaar ahaan dunida saddexaad ee ay ugu horreeyaan dalalka Afrika iyo Eeshiya uu ugu adeegsan lahaa inuu ka dhigto dabin diblomaasiyadeed oo uu ku hanto dalal saaxiib la ah, una hoggaansan siyaasaddihiisa Arrimaha Dibadda.

Qorshahani waa istaraatiijiyad uu si xeeladaysan ugu adeegsanayo inuu kula loolamo dalka Maraykanka iyo dalalka Yurub oo qaadaya tallaabooyin ay doonayaan sidii ay u yarayn lahaayeen ama u xaddidi lahaayeen saamaynta Shiinuhu ku yeelanayo caalamka. Dowladda Shiinaha iyo shirkadaha waaweyn ee laga leeyahay dalkaasi waxay dalal badan u sameeyaan maalgashiyo kala duwan oo ay ku baxayso lacag dayn ah oo aad u badan.

Waxaana intaas dheer lacagaha dulsaarka ama ribada ah ee la socda daynta Shiinuhu bixiyo, taasina waxay sabab u noqotay in Shiinuhu gacanta ku dhigo dalal badan oo uu lacago dayn ah ku leeyahay, waxay badankoodu ku yaalaan qaaradda Afrika, dalalkaasna waxa ka mid ah waddanka Jabuuti oo uu Shiinuhu ku leeyahay lacago dayn xad-dhaaf ah oo gaadhaya balaayiin doolar, Jabuuti-na waa dalka qudha ee uu Shiinuhu ku leeyahay saldhig millatari caalamka oo dhan.

Dalalka sida fiican ugu dhacay dabinka daynta Shiinaha waxa ka mid ah waddanka Sri Lanka (Sirilaanka) oo uu Shiinuhu ku yeeshay dayn ka badan $8 bilyan doollar, waxayna dowladda iyo Shirkadaha Shiinuhu dalkaas yar ka dalbadeen inuu iska bixiyo daynta ay ku leeyihiin oo muddo-dhaaftay, balse dalka Sri Lanka wuu awoodi waayey inuu lacagtaas iska bixiyo, kadibna waxa ay Shiinuhu la wareegeen deked muhiim u ah Sirilaanka oo qiimaheedu ku fadhiyo ilaa $1.1 bilyan doollar, waxaana dekeddaas ka qaalisanaaday daynta Shiinaha, iyadoo taasi sababtay in Shiinuhu la wareego dekeddaas oo uu haysan doono muddo 99 sanno ah oo ah inta lagu qiyaasay inay dayntooda kala soo bixi karaan.

Hadda, Shiinuhu waxa uu dayn badan ku leeyahay Jabuuti, waxaana laga digay in Jabuuti ay la kulmi karto dhibaatada ku dhacday dalka Sri Lanka.

Will Djibouti Become Latest Country to Fall Into China’s Debt Trap?