Qarax Dhimasho & Dhaawac Sababay oo lala Beegsaday Makhaayad ku taal Muqdisho

MAKHAAYADDA LUUL YEMENI OO LA QARXIYEY IYO KHASAARAHA KA DHASHAY 2020
MAKHAAYADDA LUUL YEMENI OO LA QARXIYEY IYO KHASAARAHA KA DHASHAY 2020

Muqdisho(aftahannews):- Ugu yaraan saddex Qof oo uu ku jiro qof naftii-halaage ahi, ayaa ku dhintay weerar is qarxin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen Booliska Soomaaliya.

MAKHAAYADDA LUUL YEMENI OO LA QARXIYEY IYO KHASAARAHA KA DHASHAY 2020
MAKHAAYADDA LUUL YEMENI OO LA QARXIYEY IYO KHASAARAHA KA DHASHAY 2020

Qof isku soo xidhtay Jaakadda walxaha qarxa ay ku xidhan yihiin, ayaa damcay inuu galo maqaayad la dadku ku badnaayeen oo la yidhaahdo Luul Yamani oo ku taal meel aan ka fogeyn Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ee degmada Xamar Jajab, balse niman ilaalo ka ahaa Maqaayadda, ayaa is hortaagay, taasoo keentay inuu is qarxiyo ruuxii xidhnaa walxaha qarxa.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaas, balse weerarrada noocan oo kale ahah waxaa Muqdisho ka fuliya kooxda Al-Shabaab oo bartilmaameedsada xarumaha dowladda iyo Meheradaha kala duwan, Huteellada iyo Suuqyada Muqdisho meelo badan oo ka mid ah.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali, ayaa VOA u sheegay inuu qofka ismiidaamiyey isku qarxiyey irridda laga galo Makhaayadda xilli Dad badani ka qadanayeen, ka dib markii ay laba Askari oo ilaalo ka ahaa Maqaayaddaa u diideen qofka miinaysnaa inuu gudaha u gudbo.

“Qofkaasi irridda makhaayadda ayuu isku qarxiyey, markii ay labada waardiye u diideen inuu gudaha u galo, waxaana halkaas ku dhintay labadaa Waardiye Allaah ha u naxariisto iyo qofka is-qarxiyey,” ayuu yidhi Afhayeenka Booliska oo ka gaabsaday inaanu ka degdegaynin baadhis lagu wado kiiskaas, isaga oo Qofka is-qarxiyeyna ku sheegay inuu ka mid ahaa Ururrada argaggixisada kuwaas oo uu ula jeeday Al-Shabaab iyo Isista Soomaaliya.

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.